Dagaal xalay ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

29_06_08_codkahaweenka.com , somalia

Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal socday muddo 30 daqiiqo ah, kaasi oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gaaray Degmada Guriceel iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.


Dagaalkan ayaa wuxuu geystay khsaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada afar ruux iyo dhaawac soo gaaray afar ruux oo kale, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay markii la weeraray ku jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka.


Dagaalka ka dhacay Degmada Guriceel ayaa wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay Dadkii degmada ku dhaqnaa, kuwaasi oo qaarkood ay u carareen dhulka howdka ah ee Degmada u dhow, halka kuwo kalena ay aadeen dhinaca Degmada Dhuusa-mareeb ee isla gobolka Galgaduud. Waxaa xusid mudan in dadkaas barakacay ay ku jiray kuwo horay uga barakacay Magaalada Muqdisho oo sidoo kale ka cararay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho


Marka laga soo tago dadkii dagaalka ku dhintay waxaa kuwii ku dhaawacmay lagu daweynayaa Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel, iyadoo daweyntoodana ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal Isbitaalkaas ka howlgala.


Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Guriceel waxay sheegayaan in dadka ay isu diyaarinayaan in ay magaalada ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka gudaha u soo galaan, isla markaana ay dhibaato u geystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com

SomaliaKooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid oo fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka

29_06_08_codkahaweenka.com , somalia

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Degmada Yaaqshiid.


Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo weerarkaas wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in xalay 8-dii Fiidnimo ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamadooda ku leeyihiin Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada iska caabiyeen Kooxihii weerarka ku soo qaaday oo uu sheegay in ay hal nin ka dileen.


“Ninkaas ka tirsanaa Kooxihii Laanta soo weeraray waxaa uu yaallaa meydkiisa meeshii uu ka dagaalamayay, waxaana dusha ka saaran Bastoolad uu watay oo lagu dilay, ciddii rabtana waa ay soo arki kartaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus

.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid in aanu jirin wax khasaare ah oo Ciidamadooda ka soo gaaray weerarkaas, wuxuuna sheegay in bambo iyo rasaas lagu soo riday ay ku dhaceen meel aaney Ciidamada joogin.


Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale weerar lagu qaaday, inkastoo aaney weerarraas geystay khasaare xoog leh marka laga reebo askar uu dhaawac fudud ka soo gaaray, waa sida ay ku warameen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Yaaqshiid.
xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com