|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
09_12_2008_ www.codkahaweenka.com ZamZam
Abdullahi ka tirsan Amnesty International ee Geeska Africa ayaa warbixin soo dhaweyn ah ka bixisay Zam Zam Cabdullahi oo ay ku tilmaanta in ay tahay haweeney geesi ah oo wax weyn ka qabatay difaaca Xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlay arimo faro badan oo khuseeyay xuquuqda aadanaha qaasatan gabood falada ka dhaca gudaha dalka Somalia ayaa waxa hab muuqaal ah oo aaney qurba joogta Soomaliadu aaney u baran ku soo bandhigtay Zam Zam Cabdulle oo ah gabar somaliyeed oo u dooda xuquuqda haweenka Soomaaliyeed kana hawgeli jirtey xafiiska Somalia Coalition of Grassroots Women's Organizations (COGWO). Zam Zam waxa ay kaashaneysay sawiro kaga tegay dareen naxdin oo shaleyto badan ku reebay goob joogayashii halkaa isugu yimi, taasoo ka dhalatey ka dib markii ay indhahooda ku arkeen dhibaatada shacabka Soomaliyeed uga timaada garabyada ku hardemaya siyaasada dalka Soomaaliya. Sawirada oo uu qaadey sawir qaade somaliyeed oo magaciisa la yiraahdo ayaa Abuukar Albadir oo ah suxufi sawirqaade ah una dooda xuquuqda aadamiga. Sawiradaas ayaa iskood uga turjumaya aafooyinka ka jira dalka Soomaaliya.
Taswiirta dhalaanka muuqaalkooda aan la arag ee ku leday go'aamada guracan ay gaaraan horboodeyaasha siyaasadaha faashilka ah ee qurba jooguna is garab taago, hooyada somaaliyeed ee laga kireeyo hooska geedka ay ku umuleyso, ganacsadaha ku nafwaayey suuqii uu wax ku iibsanayey, caruur Soomaaliyeed oo dhoolad tus dagaal (War Games) sameyna halkii ay dugsi waxbarasho ka tagi lahaayeen ayaa waxa ay ahaayeen qaar ka mid ah sawirada dhabta ah ee ay soo bandhigtay Zam Zam.
qaladaadkooda
ay ummaddu dib ugu soo noqon laheyd halkii laga bara kiciyay. Balse
waxa suaalaha ka badnaa talooyinka iyo mahadnaqa halkaa laga soo jeediyay
ee ku wejahnaa zam zam, waxa sidoo kale ka muuqdey goob joogayashii
halkaa joogay in ay yara garwaaqsadeen doorka ay ku lahaayeen dhacdooyinkii
somalia ee sanadihii lagu tartamayay bur burka dalkooda, iyo sida
ay iminka isku daba qaban karaan iyaga oo kaashanaya nasiibka ay u
heleen in ay ku nooladaan dalal afkaarta kala gedisani aaney lidi
ku aheyn wada noolaashaha.
|
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Copyright
©
codkahaweenka.com
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||