QM oo Canbaareeyay kulul u dirtay dilalka qorsheeysan ee ka dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya.

Aug_19_08_2008_codkahaweenka.com , somalia

Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay dilka ka dhanka ah dadka shacabka ah gaar ahaa dumarka ee ku soo kordhaya dalka Soomaaliya.

Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabadalla oo la hadlayey saxafada ayaa sheegay in uu si aad ah uga walwalsan yahay arrimaha dilalka ah ee ku soo badanaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu Cabdala sheegay in uu si aad ah u canbaareenayo dilalka loo geeysanayo dadka aan waxba galabsan gaar ahaan haweenka xili maalmihii danbe ay jireen tacadiyo loo geeyanayay shacab Soomaaliyeed gaar ahaan xasuuqii ula kaca ahaa ee ay ciidamada Ethiopia rasaas aan loo meel dayin ay si bareer ah ugu fureen labo gaari oo BL ah oo marayay agagaarka Deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Axmed Walad Cabadala waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga bahaan yahay in ay ku fikiraan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen guryahooda masuuliyiinta Soomaalidana looga baahan yahay in ay arintaasi ka shaqeeyaan.

“Aad ayaan indhaha ugu heynaa arimaha Bini’aadanimada waxaanu dooneeynaa in dadkii ka barakacay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan waxaana si weyn u canbaareeyneeynaa dilka Bareerka ah ee loo geysanayo dadka shacabka ah gaar ahaan haweenka.

 

Masuul u hadlay Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada Hadallada Jibouti oo shaaciyay hadal ay si

Aug_19_08_2008_codkahaweenka.com , somalia

Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti uga qeybgelaya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wuxuu ka shanqariyay hadal ay si weyn ugu farxeen dad badan oo ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay sanadkii 2007.


Hadalka lagu farxay ee uu sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ahaa in Wada hadalladii shalay ku soo gebageboobay Dalka Jibouti ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta la iskula af-gartay in Ciidamada Itoobiya laga saaro xaafadaha ay dadka rayidka ah deganaayeen, isla markaana ay sugidda ammaanka magaalada la wareegaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Amisom.


Hadalka Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti C/raxmaan C/shakuur waxaa si weyn u soo dhaweeyay oo ku farxay dad badan oo ka barakacay degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo badankood ay ku nool yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.


Haddii qodobkaas lagu heshiiyay oo dhaqangelintiisana lagu guuleysto waxaa dib guryahoodii ugu soo noqon doona dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cararay dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa socda wada hadallo rajo wanaagsan laga qabo in lagu soo af-jaro mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com