Diyaaradii qaadi rabtay shaqaalaha QM ee shalay lagu afduubtay magaalada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galgaduud oo saakay halkaasi laga kicitimiyay.


06_10_08_codkahaweenka.com , somalia

Diyaaradii shalay qaadi rabtay shaqaalaha QM ee lagu afduubtay maalintii shalay magaalada Dhuuso mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saakay halkaasi laga kicitimiyay kadib markii loo keenay duuliyaal kiciya.

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuuso Mareeb laga kiciyay diyaaradii shalay kooxaha hubeeysan ay ka afduubteen shaqaale u shaqeeya QM oo diyaradaasi ku duuli rabay iyo bayloodyadii waday kadib markii magalada Nairobi looga soo diray dayaarad kale iyo bayloodyo kicitimaya diyaaradaasi.

Sida uu soo sheegayo wariyaha idaacada Shabelle C/kariin Axmed Bulxan waxaa saakay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhooso mareeb ka soo dagay diiyard yar uu ka timid magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya taasi o la sheegay in a waday bayloodyo kale oo duuliya diyaaradii shalay maagaaladasi ka qaadi rabay shaqaalaha u shaqaynayay QM iyo bayloodyadii saarnaa.

Daayarada ayaa waxaa la sheegay in haatan loo gicitimiyay magaalada Nairobi iyadoo maalintii 2-aadna ay gacanta ugu jiraan shaqaalihii u shaqaynayay QM iyo labadii baylood iyo diyaaradaasi waday,waxaana ilaa xalay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuuso mareeb ilaalo xoogan ka hayay ciidamada maamulka magaalada Dheeso Mareeb.

Maamaulka degmada Dhuuso Mareeb ayaa waxaa uu diiday in uu ka hadlo Afduubka loo geystay shaqaalaha gar gaarka ee u shaqaynaya hay’ad laga leeyahay dalka Franca oo hoos tagta QM,waxaana sidoo kale wali aan laga war heeyn cida ka dambeeysay Afduubkaasi iyo halka ay la ‘aadeen dadka ay afduubteen.

 

Guddoomiyaha Isbaheysiga dib Xoreynta Dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo labadii Cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Beledweyne

06_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Guddoomiyaha iyo Wafdiga uu horkacayo ayaa kulan waqti dheer qaatay waxaa ay la galeen Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ee ka kooban 63-ka Xubnood, waxaana kulanka labada dhinac looga wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta Nabad-galyada iyo sidii gacan looga geysan lahaa Nabad ku soo dabaalo guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Axmed C/llaah oo dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Wafdiga uu horkacayo Shiikh Shariif oo kulanka kadib shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in Odayaasha Gobalka iyo wafdigu isku af-garteen qodobadii ay ka wada hadleen, gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay dhinaca Nabad-galayada oo ah ayuu yiri yoolka Isbaheysiga.

Waxaa uu intaas raaciyay Axmed C/llaahi in Odayaashu codsadeen in wafdigu baaq u jeediyo dhamaan hay'addaha Samafalka si loo gar gaarayo ayuu yiri dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan, isaga oo ka dhinaca hay'addaha ugu baaqay in ay arintaa wax ka qabtaan.

Dhinaca kale waxaa uu shirkiisa Jaraa'id ku soo qaaday arrimo la xiriira khilaafka ka dhax jira Saraakiisha Maxkamadaha ee ku sugan Gobalka Hiiraan, waxaana mar la weydiiyay bal in ay wafdiga is arkaan Saraakiisha Maxkamadaha ee diidan heshiiskii dhawaan Jabuuti lagu galay waxaa ayuu yiri "Marka hore waa in aad ogaataan cid kasta oo hadasha u jeetada ay leedahay waa in wax la saxo iyo dadaal oo kaliya, sadaa daraadeed Saraakiishaasi weynu is aragnay meeshana waan ka saarnay mad madwogii jiray” ayuu yiri Axmed C/laahi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu jiro dadaal ay wadaan Culimo sida uu hadalka u dhigay magac iyo qadarinba ku leh dalka kuwaas oo doonaya in ay meel isugu keenaan dhinacayada Isbaheysiga ee fikradda ku kala tagsan ayuu shirkiisa Jaraa'id ku sheegay.

Xubno ka tirsan wafdiga uu horkacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay wehliyaan Wariyaal ka tirsan TV- Al-jasiira ayaa waabarigii hore ee
saakay
xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com