Qaar
ka Mida dadkii saaka barakacayey ayaa ku luuqeynayey Oonka dhibka
iyo Gaajda aan ka baxnee dagaalka joojiya ayaa sida hees ahaan
ay ugu luuqaynayeen qaar ka mid ah dadka ka qeyb qaadanayey
isu soo baxa maanta ay sameeyeen dadka ubarakacay duleedka waqooyi
ee Magaalada Muqdisho oo shegay in iyaga la iloobay.
 
Iyada oo ay si xoogeysaneyso cabdsida laga qabo in dagaal xogani
uu Muqdisho ku dhaxmaro ciidamada dowlada iyo xoogaga ka dagaalka
hubeysan kala soo horjeedo ayaa tasi waxay sababatay in dad
badan oo firxad ah ay gaaraan goobo ay isleeyihiin waa ku badbaadi
kareysaan waxaana ka mid ah gobaha lagu sii qulqulayo deegaana
ka baxsan Magaalada Muqdisho .
 
Deegaanada galgalato ,gubadley ,Sh Cali Cabdulle ,dharkeyn,fiiqa
cisiley,Shiidaalka xeebyarey iyo agagaarka dekada ceelmacaan
oo dhamaantood ka wada tirsan xaafada heliwaa ee Magaalada Muqdisho
waxayna ahaayeen , goobaha ay iskuugu tageen baracayaal guryahoodii
uga cararay ka dib markii dushooda lagu dagaalamay
.
Shacabka halkaa dagan ayaa haatan lagu qiiyaasaa in ay garayaan
3700 oo qeys waxayna isugu jiraan dadkii deegaanka deganaa markii
hore iyo marti kale oo barakacayaal ah oo aan haysan waxyaabaha
nolosha kabi kara ee sahla waxayna ka cabanayeen maanta mar
aan tagay xeryahaas , biyo .la.an ,waxbarasho la.aan , hoy la.aan
cuno xumo , caafimad daro .nafaqa dari dadka waaweyn iyo caruurta
ah .

Inta badan dadkaan ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha
ay ka midka yihiin in ay soo gurtaan xaabada la shito .kaawooyinka
oo ay ka shaqeeyaan, halka qaarkoodna ay qotaan jay ga guryaha
lagu dhisto mana ah dad ehel u ah tuugsida ( dawarsig ) waxayna
kuu shegayaan in ay helaan wixii alle u qoray ,
Deegaanadaan ayaa maanta waxaa ka dhacay banana bax nabadeed
aan cidina soo abaabulin ka dib markii ay waayeen cid u timaada
oo ka socoto hay.addaha deeqaha bixiya oo meelaha qaarkood xoogaa
cunooyin ah geeya waxayna ku dhaliilayeen in la iloobay dhanka
waqooyi cidihii u barakcay hay.aduhuna ay mashquul ku yihiin
deegaanada ceelasha biyaha iyo reerihii u barakcay koofurta
Muqdisho
Barakacayaashaan ayaa ku qeylinayey biyo la.aan doonimeyno,
caafimad la.aan doonimeyno , shaqo la,aan donimeyno,waxbarasho
la.aan doonimeyno. Waxaana qaarkood ay ii sheegeen in haweenku
ay geedaha hoostoda ku umulaan oo aanu jirin hay.ad cafimad
oo ka howl gasha deegaanada ay u barakceen boqolaal isugu jira
kuwa cusub iyo qoysas hore u daganaa.
Haweenka qaarkood ayaa ka codsaday dhinacyada dagalamaya in
ay heshiiyaan si umadu ay guryahooda dib ugu laabtaan waxayna
ka cabsi qabaan iyada oo lagu guda jiro xiligii roobka ay waayaan
meel ay ka galaan biyaha roobka iyo dhaxan tiisa waxayna dagan
yihiin guryo ka sameysan maryo duug ah oo la isku tolay ,iyo
baarkado aan celin Karin biyaha roobka ,dhaxanta iyo qoraxda
.
Dumarka ayaa ku qeylinayey dagaalku rag la.aan iyo dad alaa.
Ayuu ina dhigay ee naga daaya .
Barakacayaashaan ku nool duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka
kala yimid 16 dagmo ee uu ka koban yahay gobolka banadir waxayna
isugu jiraa haween ,caruur, dad waaweyn iyada oo ay ku jiraan
cuuryaamiin indhoolayaal iyo dad waayeelo ah .
Barakacayaashaan
ayaa maanta xeryaha qaarkood ka wada howlo nadaafadeed oo ay
sheegeen in ay hey.adda cogwo ka heleen howlo shaqo raashin
ku bedelasho ah taas oo ay ku amaanen hay.adda cogwo waxayan
sheegeen in ay rali ka yihiin kuna faaxsan yihiin howshaan hay.adda
cogwo iyo haweenka degaana dadka barakacay ka dhaxeyso .
Ugu danbeyntii dadkii ka qeyb qaadanayey mudaaharadka ayaa waxaa
la hadashay Mid ka mid Saraakisha U shaqeysa Dallada Haween
weynaha Soomaaliyeed ee Marka La soo gaabiyo Loo yaqaano Cogwo
maryan daqal Xuseen oo kana tiran madaxda hay.adda cogwo oo
u sheegtay in ay sii wadi doonto hay.adda cogwo caawinaada iyo
wax u qabashada dadka guryahoodii ka barakacay
Dagaalada
ka socda magaalada muqdisho ayaa waxaa markasta ku wax yeelooba
Caruurta Iyo Haweenka iyo dadka loo yaqaano Birimageydada
W/d
Xawokiin
|