Ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wafdi
uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde International
Airport, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u amba baxay
Liibiya
isagoo ku sii jeeday magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehliyay
wasiirrada Dib u dhiska iyo Waxbarashada, Xuseen Ceelaabe Faahiye
iyo Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Sheekh Maxamuud (Waayeel)
iyo Sarakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo
ay ka mid ahaayeen Yaasiin Muuse Boqor iyo Cawaale Cali Kullane.
Kulankan oo ka furmi doona dalkaasi Liibiya maalinta berri ah
oo ay taariikhdu ku beegan tahay (29.05.2009) ayaa la filayaa
inuu socdo ilaa 30-ka bishan May, iyadoo la filayo inay ka soo
qeybgalaan dalalka ka tirsan Saahil oo kala ah, Somalia, Nigeria,
Sudan Senegal, Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad iyo
Ethiopia.
Ajendaha ugu weyn ee shirkan ayaa noqon doona arrimaha ku aaddan
Caafimaadka iyo dhaqanka, waxaase la filayaa in si weyn diiradda
loogu saaro arrinta Somalia, gaar ahaana taageero ay dalalkani
u fidiyaan dowladda Soomaaliya, sida arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,
Dib u dhiska, Waxbarashada, iyo Caafimaadka.
Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa la filayaa inuu khudbo
halkaasi ka jeediyo, taasoo uu ku sharaxayo arrimaha dalka Somalia
iyo sida ku haboon ee loo taageeri karo dowladda Somalia, waxaana
sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda
dalalkaasi iyo kuwa dalka Liibiya.
|