Taliska Ciidamada Booliska oo sheegay in gaadiidka Bl-ka Muqdisho ayna lacag

29_07- 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidka Blka ah aysan wax canshuuro ah ka qaadi karin wax aan ka aheeyn iskaashatada gaadiidka.


Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Col C/llaahi Xasan Bariise oo u warmayay idaacadka Shabelle ayaa sheegay in ay sharci daro tahay in gaadiidleeyda laga qaado lacago canshuuro ah marka laga reebo lacagaha ay ka qaadaan iskaashatada gaadiidka ee gobolka Banaadir

waxaana uu darawalada gaadidka Blka ah ugu baaqay in aysan siinin wax lacago ah askari jidka taagan hadii lagu qasbana ay ku so war galiyaan saraakiisha ciidamada dowlada.


Goobo Fara badan oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu arkaa kooxo ku libisan dareeyska Ciidamada kuwaasi oo gaadiidka Blka ah ka qaada Lacago Sharci daro ah taasi oo ay u sii dheertahay rakaabka gaadiidkaasi saaran oo laga dhaco wax ay wataan.


Goobaha lacagaha ay gaadiidka Blka ah uga qaadaan kooxaha ku libisan dareeyska ciidmada dowlada waxaa ka mid ah isgooyska Siinaay,Dabka,Jardiinka,Fagax,Juba,Buundada Anzaloti,Ceelgaab, Isgooyska KM4,kuliyada Jaale Siyaad iyo Qeeybo badan oo ka mid ah gobolka Banaadir halkaasi oo aysan jirin cid wax ka qabata marka laga reebo hadalada ay afka ka sheegaan saraakiisha ciidamada dowlada.


xafiiska war qabadka codkahaweenka


Gudoomiyihii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo xalay Muqdisho ku geeriyooday


29_07_ 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Waxaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliyeed Madaxii Hay’adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed, kaasi oo dhawaanahan xanuunsanayay.

Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah madaxa baarista xadgudubyada Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa sheegay in Inj. Suudaan uu u geeriyooday xanuun ka haleelay dhinaca Keliyaha.


Cali Fadhaa waxaa uu sheegay in Inj. Suudaan uu dalalka deriska u tegay sidii xanuunkaas looga daweyn lahaa, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu xoogaa ladnaaday oo uu daweyn soo qaatay.


“Markii uu dalka ku soo noqday ayuu mar kale xanuunsaday, Isbitaal ayaana la dhigay, kaasi oo shan maalmood ka hor laga soo saaray, ilaa ugu dambeyntiina uu xalay u geeriyooday xanuunkii ka hayay dhinaca Keliyaha”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin Cali Fadhaa.


Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa wuxuu madax ka ahaa Hay’ad u doodda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, taasi oo loogu magac-daray Walaalkiis Inj. Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996 Muqdisho lagu dilay, wuxuuna tan iyo xiligaas ku howlanaa sidii Xuquuqda Aadanaha loo dhowri lahaa, nabaddii loo soo celin lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu sidoo kale gacanta ku hayay barnaamijyo xirfado loogu abuurayo dhalinyarada iyo Caruurta aan daryeelka heysan.

xafiiska war qabadka codkahaweenka


Fannaan Soomaaliyeed oo xalay ku geeriyooday Nairobi

29_07_ 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Waxaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ku geeriyooday Fannaan C/risaaq Xasan Kuukaay, kaasi oo ka tirsanaa Kooxihii Waaberi iyo Shareero ee dalka Soomaaliya caanka ka ahaa.


Sida uu Idaacadda Horn Afrik u sheegay Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo ka tirsanaa Kooxdii Dur-dur waxaa uu Fannaanka u geeriyooday Xanuunka Kaadi-macaanka oo in muddo ah hayay.
“Inkastoo uu xanuunkaas qabay hadana beryahaan waa uu ka soo reynayay, wuxuuna geeriyooday isagoo si caadi ah u seexday”ayuu yiri Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo sheegay in markii uu soo toosi waayay xiligii looga bartay, isla markaana uu qaban waayay taleefoonkiisa oo ay ka waceen ay jebiyeen qolkii uu jiifay, kadibna ay arkeen isagoo dhintay.


Alle ha u naxariistee Fannaan C/risaaq Kuukaay waxaa uu ahaa Fannaan ku luuqeeyay Heeso badan, sidoo kalena wax ka jilay Riwaayado lagu soo bandhigay Tiyaatarkii Qaranka, isagoo Riwaayado la sameeyay Fannaaniin ay ka mid yihiin Maxamuud C/llaahi Sangub, Saado Cali Warsame, Qadra Daahir Cige, Feynuus Shiikh Daahir iyo kuwo kale.


Riwaayadihii uu wax ka dhigay waxaan ka xusi karnaa Maxaa Gacalkii Kala Geeyay?, Horta Caasi Yaa Dhalay? iyo kuwo kale, iyadoo lagu xusuusto hees caan-baxday oo Banaadiri ah, taasi oo ah Maanaay-Maana.


xafiiska war qabadka codkahaweenka

 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com