Xeebaha ay ka mid tahay Magaalada Baraawe oo ay ka biloowdeen howlo tahriib ah

28_07- 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Degmada Baraawe oo ka mid ah degmooyinka Hoos taga gobolka Sh/hoose ayaa waxaa 48kii saac ee ugu danbeeyay ka tagay oo si tahriib ah uga baxay xeebahaasi dhalinyaro fara badan oo ku sii jeeda dalalka Kenya,K/Africa iyo Yemen kuwaasi oo lagu arkayay iyagoo buux dhaafiyay goobaha laga raaco gaadiidka Blka ah ee aada halka laga doomahaasi looga safro.


Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo ku dhiiran sidii ay xeebaha magaalad Baraawe uga tahariibi lahaayeen ayaa waxaa ay oo u waramaye Idaacada Shabelle u sheegeen in ay ka cararayaan

dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmeen dalka Soomaaliya isla markaana aysan heysan meel ay ka shaqeeystaan taasina ay door bideen in ay ka tahriibaan oo ay abaaraan hadba halka ay isleeyihiin waad ka heleysaan meel dhaanta nolosha dalka Soomaaliya.


Tahriibka Dhalinyaradani ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xili Saxaraha wadamada Sudan iyo Libiya isku xira iyo weliba badaha u dhexeeya Somalia iyo Yemen iyo Libiya iyo Itlay ay ku nafwaayeen kumaan kun oo dhalinyaro Soomaali u badan iyo sidoo kale

dhalinyaro Soomaali ah oo buux dhaafiyay xabsiyada wadamada Aduunka kuwaasi oo ka cararay dagaalada Aan joogisaga laheeyn ee ka taagan dalka Soomaaliya .iyadoo ay waliba u sii dhertahay shaqala aan ta joogtada iska noqotay


Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia


Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Malaysia oo Nairobi ku geeriyooday


20_07- 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Waxaa bishan July 26 keedii ku geeriyoodey Magaalada Nairobi Dalka Kenya Allaha u Naxariiste Maxamed Xaji Cabdi oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Malaysia u Fadhiya Dowladda Fedaralka Somalia.


Marxuumka oo horey uga mid ahaan jiray Guddoonka Waxbarashadda ee Gobolka Banadir (REO) xilligii Xukuumadii Militariga ayaa wuxuu ahaa shakhsi aad looga dhex yaqaanay bulshada Somaliyeed meel kasta ay joogto, gaar ahaan Waqooyiga Ameerika oo uu ku noolaa sanadihii danbe ee dagaalka sokeeya ka dhacay Soomaaliya.


Alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Cabdi waxaa lagu aasay magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, wuxuuna ifka kaga tagay Lix caruur ah iyo hooyadood.


Marxuumka waxaan eebbe uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelladii uu ka baxaynay samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

 


 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com