Waxaa
galabta ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Beexaani
ee Degmada Shibis Cabdalla Nuuradiin Axmed oo ahaa Wariye iyo
Abawaan ay si weyn u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed.
Sida ay xaqiijisay Sabiida Nuuraddiin Axmed oo la dhalatay marxuumka
waxaa uu u geeriyooday Cabdalla Nuuradiin Axmed xanuun ku soo
qabtay isagoo Magaalada meelo ka mid ah ku maqan, kaasi oo ay
xustay in uu beryahan la xanuunsanayay.
Sabiida waxay sheegtay in Cabdalla Nuuraddiin uu ku dhashay
Magaalada Jig-jiga ee dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya,
kadibna ay u soo wareegeen Magaalada Muqdisho oo ay ku soo koreen
iyada iyo walaalkeed.
Waxay sheegtay Sabiida Nuuraddiin in uu Walaalkeed wax ku bartay
magaalada Muqdisho, kadibna uu ka mid ah Wariyayaashii Radio
Muqdisho, kadib markii ay burburtay Dowladdii horena uu la shaqeynayay
Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik oo uu la shaqo bilaabay sanadkii
1999-kii, inkastoo dhawaanahanna uu la shaqeynayay Taleefashinka
Universal.
Cabdalla Nuuradiin Axmed oo da'diisa ay u dhaxeysay 50-60 sano
sida walaashiisa sheegtay waxaa uu sanadkii 2005 ka badbaaday
dhaawac rasaaseed oo ay u geysteen rag hubeysan, kuwaasi oo
ku weeraray Maqaayad uu ku lahaa nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin
ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Cabdalla Nuuraddiin Axmed oo ka tirsanaa
Bahda Saxaafadda iyo Bahda Fanka Soomaaliyeed waxaa lagu xusuustaa
kaalimihii uu ku lahaa Warbaahintii Soomaaliya ka hor burburkii
Dowladdii hore iyo kadib-ba, wuxuuna si weyn uga dhex muuqan
jiray labadaas qeybood oo uu ka tirsanaa.
Marka laga soo tago in uu Wariye hal-abuur leh ahaa, wuxuu dhinaca
kale ahaa Abwaan curiya Gabayada iyo Heesaha, waxaana Heeso
badan oo uu sameeyay ku luuqeeyay Fannaaniin caan ah sida Cabdi
Salaad Beer-dilaacshe, Cumar Dhuulle, Cumar Shoolli, Shimaali
Axmed Shimaali iyo C/qaadir Shiikh Cali Sanka.
Sidoo kalena wuxuu marxuumka ku wanaagsanaa dhinaca fidinta
Diinta Islaamka, wuxuuna Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ka jeedin
jiray Barnaamijyo aan ka xusi karno labo barnaamij oo kala ahaa
Dhegeyso oo ku dhaqan iyo Dhaqanka Islaamka, kuwaasi oo xambaarsanaa
Duruus Islaami ah oo dadka ku wacyigelineysa in ay qaataan wixii
Allaah faray, isla markaana ay ka reebtoomaan wixii uu ka reebay.
Geerida ku timid Cabdalla Nuuradiin Axmed waxaa ka hadlay Ra’iisal
Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo sheegay in Cabdalla
Nuuradiin oo ay is-barteen sanadkii 1999-kii uu ahaa shakhsi
maskaxdiisa u isticmaalayay sidii uu dadka Soomaaliyeed uga
wacyigelin lahaa dhibaatooyinka.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka waxaa uu intaas kadib tacsi
u diray Qoyskii, ehelladii iyo Asxaabtii uu Cabdalla Nuuradiin
ka geeriyooday marxuumka, isagoo si gaar ah tacsi u diray bahdi
uu ka tirsanaa ee Saxaafadda iyo Fanka.
Alle ha u naxariistee Cabdalla Nuuraddiin Axmed oo maalinta
berri ah lagu aasi doono Magaalada Muqdisho waxaa uu ifka kaga
tegay 6 Caruur ah oo isagu jira 4 Wiil iyo 2 Gabdhood.
Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia
Ciidamadii cusbaa ee dalka Itoobiya lagu soo tababaray oo Muqdisho
soo gaaray, fariisina ka sameystay Ex-Kontorool Afgooye
24_07-
2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .
Waxaa
maanta xiligii duhurka soo gaaray Magaalada Muqdisho, ciidamadii
cusbaa ee lagu soo tababaray dalka itoobiyo iyadoo ay galbinayaan
ciidamada Itoobiya.
Ciidamadaan
cusub oo ay galbinayaan Ciidamada itoobiya ayaa maanta duhurkii
soo gaaray Dalka Itoobiya oo maalmahan ku soo jiray wadooyinka
u dhaxeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo, islamarkaana Dagaalo
aya la galeen xogaga ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya
Sidoo kale ciidamadaasi ayaa waxaa markii ay soo dhaafeen xagagarka
Ceelasha biyaha lala beegsaday qarax bam oo lala beegsaday inta
u dhaxeysa ceelasha biyaha iyo tareedisho.
Ciidamadan
ayaa la sheegayaa inay aad u Fara badan yihiin, iyadoo lahadal
hayo inay tiradoodu dhan tahay 2500-oo ruux, waxeyna muuddo
9-bilood ah tabar ku soo qaateen Dalka Itoobiya.
Dhinaca
kale gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca
Amniga C/Fitaax Ibraahin Cumar Sabriye Shaaweey oo ka hadlaayay
imaanshaha Ciidamadaan cusub ayaa shaaca ka qaaday inay wax
ka Qaban doonaan ammaanka Caasimadda Muqdisho
|