|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
23_11_08_codkahaweenka.com , somalia Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku micneeyay dib u dhacii ka bixitaanka ciidamada Ethiopia xaafadah Muqdisho in ay ku timid arimo farsamo isagoo sheegay in malmaha soo aadan ay baxayaan. Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay u waramayay Barnaamijka qubanah wararka Shabelle ayaa sheegay in heshiiskii Jabuuti lagu gaaray uu sidiisa u dhaqan qalayo islamarkaana ay ciidamada Ethiopia ka baxayaan gudaha dalka balse,waxaana uu tilmaamay in ay jiraan qorshayaal dhaliyay dib u dhaca in 21-ka Bishaan ay ciidamada Ethiopian-ka ka baxaan xaafadaha dadka rayidka ee magaalada Muqdisho hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in ay jiraan dadaalo lagu wado in lagu dhameeyo dib u dhacaasi. Waxaa uu sidoo kale sheikh Shariif tilmaamay in beesha caalamka ay ku howlantahay ka mira dhalinta heshiiskii Jabuuti si xal waara loogu helo arimaha murugsan ee ka jira dalka Soomaaliya. Sidoo kale sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay arinta burcad badeeda waxaana uu sheegay in ay tahay talaabo fool xun loona baahanyahay in ay ka waantoobaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubta maraakiibta shisheeye. Hadalka gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku soo aadaya xili uu dib u dhac ku yimid bixitaanka ciidamada Ethiopia ee ku aadanaa xaafadaha magaalada Muqdisho taasi oo uu Shariifku rajo ka muujiyay in ay ka baxayaan.
|
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Copyright
©
codkahaweenka.com
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||