Wada hadaladii u dhexeyey xubno ka tirtsan isbahaysiga dib u xoraynta Jabuuti iyo dowlada KMG ah oo la filayo in uu mar kale ka furmo dalka Jabuuti

22_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Midowga Africa ayaa waxaa ay ugu baaqeen odayaasha qabaa'ilka Soomaalida in gacan ay ka geeystaan arimaha burcad badeeda looga hortagayo.

Godoomiyha gudiga ammaanka iyo nabada Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa waxa uu ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay gacan ka geystaan sidii kooxaha burcad badeeda ee maraakiibta Afduubata ay u joojin lahaayeen falalkaasi.


Ramtane Lamamra ayaa codsigiisa waxaa uu ku soo beegmay kadib markii kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay gacanta ku dhigeen Markab Aad u weyn oo laga leeyahay wadanka Sacuudiga islamarkaaan kooxaha burcad badeeda ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 25-Miyan oo doolarka Maraykanka.

Gudoomiyaha midowga Africa Jean Ping oo ugu baaqay bulshada Soomaalida iyo qabaa'ilkooda in ay gacan ka geestaan dhibaatooyinka ay kooxaha burcad badeeda ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

"Waxaan aaminsanahay in kuwani dhibaatooyinka ay ku hayaan biyaha Soomaaliya ay dhaawac u geeysanayaan Sumcada Soomaalida iyo nabada dalka Soomaaliya" ayuu yiri Gudoomiyaha midowga Africa Jean Ping.

Wasiirka Arimaha dibada wadanka France Bernard Kouchner oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in dowladiisa ay gacan ka geysan doonto sidii looga hor tagi lahaa falalka kooxaha burcad badeeda ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

 

7 carruur ah oo ku dhimatay madfac hal goob kula dhacay.

22_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Dagaal dhex maray ciidamada Itoobiya iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda iyadoo dhimashada rayidka ay gaartay in ka badan 10 qofood.


Madaafiic ku dhacday xaafado badan oo ka tirsan degmooyinka yaaqshiid iyo huriwaa oo ah meelaha ay dagaaladu ka shalay saameeyen ayaa waxaa ku geeriyooday dad badan oo rayid ah.
Madfac la sheegay inuu ka soo dhacay xeryaha milatariga ee ciidamada itoobiya ee xaafada juungal ee degmada yaaqshiid waxaa uu ku dilay 7 carruur ah oo hal meel uu ku dilay,xili carruurtaasi ay kubadd cayaarayeen sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada ciyaalkaasi dhintay.


Ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa ka tirsan dowladda kmg ah ee soomaaliya ayaa kusugan saaka meelihii shalay dagaaladu ka dhaceen dhanka waqooyi ee wadada warshadaha.


Dagaaladan ayaa sidoo kale waxaa ay sababeen dhaawac badan iyo dhimasho ilaa hada aan si rasmi ah loo xaqiijin iyadoo saaka xaafado ka tirsan degmada yaaqshiid ay ka barakaceen qoysaskii fara ku tiriska ahaa ee ku haray.


Afhayeenka dhanka howgalada maxkamadaha islaamiga c/raxiin ciisse caddow ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ka dambeeyeen weeraradii shalay lagu qaaday ciidamada itoobiya oo iyana ku faafay xaafado ka tirsan kuwa dhanka waqooyi kaga teedsan jidka warshadaha.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com