Faarax Wehliye Caddoow oo xalay ku geeriyooday Dalka Masar.

20_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Alaha u naxariisteen Faarax Wehliye Cadoow (Sendiko) oo si weyn loogu yaqaanay Cayaaraha Kumabada Cagta dalka iyo dibada ayaa xalay ku geeriyooday dalka Masar oo uu in mudo ah ku xanuunsanayay.

Geerid ku timid eebe ha u naxariisteen Faarax Cadoow (Sendiko) waxaa idaacada Shabelle uga waramay Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo ka mid ah masuuliyiinta sportiga Soomaaliyeed waxna uu sheegay in Marxuum Faarax Caddoow uu ku geeriyooday xalay abaaro 12-kii Saqda Dhexe cisbitaal ku yaala magaalada Qahira ee wadanka Masar oo uu in mudo ah ugu jiray xanuun la soo dersay.

Wiish waxaa uu xusay in heerka Sare ee uu xiligan maray Spots-ka Soomaaliyeed in uu horsed u ahaa Faarax Wehliye Caddoow (Sendiko) illaah ah u naraxistee,waxana uu tilmaamay in uu heerka ugu sareeya ka gaaray Spots-ka Soomaaliyeed iyo Africaba maadama uu noqday Gudoomiye ku xigeena Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa, ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno CAF.


Faarax Sindiko, oo sidoo kale ahaa ganacsade caan ah, ayaa ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA. Wuxuu kaloo xilli hore ahaan jiray ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee arrimaha bulshada.

Sanadkii 2004-ta, markii lasoo dhisayey Dowlada KMG Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa musharrixiintii isku soo taagay qabashada hogaanka Sare ee dalka Soomaaliya.

Isla sanadkii 2004-ta ayaa marxuum Sindiko waxaa ganaaxay Agaasimaha FIFA, Sepp Blatter, isagoo ku eedeeyey inuu musuqmaasuq geystay. Ganaaxaas ayaa farayey in muddo 10-sano ah shaqada laga fariisiyo marxuum Sindiko,Laakiin bishii April ee sanadkan, ayuu Mr. Blatter ganaaxii ka qaaday marxuum Sindiko.

Allaha u naxariistee marxuum Sindiko wuxuu ku dhashay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada Dhexe Marxuum Sindiko wuxuu ifka kaga tagay 11 carruur ah.


 

Xoghayaha QM oo canbaareeyay Falkii lagu afduubtay markabka laga leeyahay wadanka Saudi Arabia ee gacanta u galay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

20_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Xoghayaha guud ee QM Mr Ban Ki-moon ayaa canbaareeyay Falkii lagu afduubtay markabka laga leeyahay wadanka Saudi Arabia ee gacanta u galay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

Ban Ki-moon ayaa daboolka ka qaaday in QM ay tageereyso Dedaalada ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalid ah ee ay wadaan wadamada Xubnaha ka ah QM isagoo wareysi siinayay wakaalada Wararka ee Dalka Kuweyt ee Kona.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu soo dhaweenayo in lagala hadlo arimahasi dowlada KMG Soomaaliya,QM iyo Beesha Caalamka kuwaasi oo sheegay in ay wadaan dedaalo ay kula dagaalamayaan falka kooxaha burcad badeeda ay maraakiibta ku qafaalanayaan xeebaha Dalka Soomaaliya.

Waa wax laga xumaado isla markana laga naxo falka ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku qafaasheen markabka laga leehay wadanka Saudi Arabia ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah oo dhawaanahani dardar galiyay howlaha qafaalashada ayaa waxaa ay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya ku qafaasheen markabka lagu magacaabo Sirius Star oo siday saliid ceeriina ah,waxana ay koxaha heysta ay dalbadeen madax furasho aan la cayimin.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon waxaa la filayaa in maanta u hor dhigo golaha ammaanka warbixin uu ka diyaariyay Dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa la filayaa in warbixintiisa uu uga waramo habka ugu haboon ee ciidamo caalami ah lagu keeni karo dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa uu Ban Ki-moon sheegay in xaalada dalka Soomaaliya badd iyo bariba loo baahan yahay in wax laga qabto maadama ay noqotay mid Qatar ah oo faraha ka sii bexeeysa.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com