Dallada Haweenka Cogwo oo 21 haween ah ugu waday Magaalada Gaalkacyo Hawlo caafimaad

19_11_08_codkahaweenka.com , somalia

 

Agaasimaha hawlaha barista iyo dabagalka danbiyada loo geysto haweenka ee Dallada haweenka Cogwo Mrwo Maryan Taqal Xuseen oo ka warbixisay hawlaha sama falka ah ee ay u sameymayaan haweenka ee ah 21 qofood ah ayaa tiri “hadii aan nahay dallada haweenka cogwo waxan gabdhahaan laga daaweynayaa Cudur ah Kaadida oo ka socota , ka dib markii ay kala kulmeen dhibaato markii ay waayen Umuloosiyiin qibradleh ka dib markii ay ka qaxeen


Mwo Maryan Taqal Xusen oo u warameysay saxafada ayaa sheegtay in ay daawada Gabdhahaan ka saaciday hay’adda [UNFPA} oo fadhigeedu yahay magaalada gaalkacyo ayna iyagu gabdhahaasi ku caawiyeen dhinaca safarka oo ay u fududeeyen sidii ay ku gaari lahaayeen Magaalaga Galkacyo.


Dallada haweenka Cogwo oo ay Hoos yi madeen Sodon haween urur ah ayaa waxa ay haweenka ka caawidaa dhinacyada waxbashada , caafimaadka, xuququ Insaan iyo dareyeelka bulshada


IGAD oo hanjaab culus oo dad ban masuuliyiinta Dawlada Federaalka Somalia

19_11_08_codkahaweenka.com , somalia

dowladdaha urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay waxaa ay shaaca ka qaadeen in suuragal ay tahay in kalsoonida ay kala laabtaan hogaanka sare ee dowladda KMG ah ee Somalia


iyadoo shalay galinkii hore ay kulan ku yeesheen magaalada addis ababa ee dalka Itoobiya wasiirada arrimaha dibada ee dowladaha IGAD ayaa kulankaasi waxaa si wayn loogu qaadaa dhigay arrimaha somalia iyadoo halkaasi wasiiradii ka hadlay ay ka kala socdeen wadamada Sudan,Itoobiya iyo Jabuuti.
waxyaabaha kulankan looga hadlay oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa ka mid ah in dowladdaha IGAD ay u dul qaadan waayeen inay sii eegtaan xaalada khilaafka siyaaseed ee u dhaxeeya Madaxweyne C/laahi Yusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaare Nuur Cadde.


Afhayeen u hadashay kulankaasi ayaa waxay sheegtay in war-murtiyeedkan ay soo saareen wasiiradda arrimaha dibada IGAD uu sheegayo in cunaqabateyn lagu soo rogo cid walba oo lid ku ah arrimaha geedi socodka dib u heshiisiinta Somalia.
war-murtiyeedkan oo aan si gaar ah qof magaciis loogu sheegin ayaa afhayeenadu waxaa ay sheegtay in la tix raacay diidmadii Madaxweyne Yusuf uu qaaday in uu ansixiyo golaha wasiirada ee uu soo dhisay Ra'isal wasaaruhu.


Go'aankan waxaa uu leeyahay waa in Madaxda dowlada KMG ah ay isla ogolaadaan si dhaqso ah 22 bishan inay dhisaan xukuumad,iyadoo dhanka kale 15 bisha december ay dhici karto in marka ay isku yimaadaan dhamaan madaxda dalalka xubnaha ka ah IGAD ay ka fiirsadaan kalsooni kala noqosho ay ku sameeyaan Hogaanka sare ee dowladda Somalia

.
wasiirka arrimaha dibada Itoobiya Siyuum Masfin ayaa sheegay in aysan hadda kaddib xukuumadda Addis Ababa diyaar u ahayn in ay sii joogaan Somalia, wuxuuna u sheegay hoggaanka sare iney kala doortaan in ay heshiiyaan iyo in ay ciidamadooda kala baxaan gudaha dalka, xilli ay xoogagga hubeysan isku sii fidinayaan gudaha dalka.


wasiirka ayaa intaas ku daray in xiligaan xasaasiga ah dowladda Kenya ay ku deeqday somalia in ay u soo dirto ciidamo nabad ilaalin ah oo gaaray 800 askari,laakin waxaa la is waydiinayaa xaguu ka baxay hadalkii qaramada Midoobey ee ahaa in dowladaha safka hore aysan somalia ciidamo u soo diri karin marka laga tago dowlada Itoobiya oo ciidamadeedu ay ku soo galeen codsi ay dowlada KMG ah ee somalia u dirsatay.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com