| |
WARSAXAAFADEEDKA
Ay Soo sareen
GUDIGA BARAKACAYAASHA DEEGAANKA JAWIIL |
Aug_19_08_2008_codkahaweenka.com
, somalia
 waxaa
maantay oo taariikhdu tahay 19/08/2008 soo saaray Qaylodhaan ku wajahan
cidkasta oo wax u qabankarta Dadkii ku barakcay dagaalada, colaada
iyo abaaraha daba dheeraaday ee gobolka hiiraan kuna sugan deegaanka
Jawiil.

dhaantaan oo ku soo aaday xilli ay colaado ba'an ka jiraan gobolka
hiran gaar ahaan waxay barakacayaashu culeys ku kordhiyeen dadkii
ku noolaa degaanka Jawiil iyadoo ay dadkaas ku dhibaateysan halkaas
tiradooduna gaareyso iminka 2132 qoys oo barakacayaal ah kana kala
yimid:
1- Baladweyne : 1050 qoys
2- Abaaraha iyo Gaajada Miiyiga : 882 Qoys
3- Caasimada dalka ee Muqdisho : 200 qoys
ilaa iyo hadana lagu soo qulqulayo deegaanka Si kastaba ha ahaatee
Qoysaskaas oo halkaa ay ku heysato :
1- Hoyla'aan, kuwaasoo ku nool geedaha hoostooda,
ayana ku heysato qorax iyo qabow.
2- Caafimaad darro ay sababtay ayadoo aysan
ka jirin deegaanka adeeg caafimaad, nadaafad darro iyo musqulo la'aan.
3- Biyo la'aan ka timid ceelkii qura ahaa ee
deegaanka oo jaban ayaa biyaha looga soo arooraa dagmada Matabaan
oo u jirta masaafo dhan 60km iyo wabiga oo isna u jira 20km isagoo
biyo yareeyey, calowna yihiin ayna ka dhalan karto cabitaanka biyahaas
Wabiga xiligaan cuduro, intaa waxaa dheer qiimaha fuustada biyaha
ahi waxay tahay 150,000 So.Sh.
4- Cuno la'aan iyo sicir barar.
5- Nafaqo-daro haysata Hawenka uurka leh, caruurta
iyo dadka da'da ah.
Sidaa
daraadeed waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsaneynaa Hayadaha
Samafalka Caalamiga iyo shirkadaha dalka iyo qof walba oo wax ka tari
kara in ay la gaaraan gargaar bani aadanimo rayidkaas soomaaliyeed
ee ku bara kacay dagaalada colaadaha iyo abaaraha ee u barakacay deegaanka
Jawiil, maadaama arinkoodu yahay gacanta afka ii gali.
Warsaxaafadeed
kan waxaa saxiixay GUDIGA BARAKACAYAASHA DEEGAANKA JAWIIL
1- Axmed Mahad Xaashi (Qoorgaab)
2- Cabdi Cabdulle Xaashi
3- Xusen Cabdulle Maxamed
4- Barre Maxamed Cabdulle
5- Maxamud Maxamed kutub
6- Sheikh Cumer Shiekh Khalif
7- Abdikamal Maxamed Sheikh Cabdullahi
Ciwaanadda lagala xiriiri karo Guddiga:
Tel: 00252 1 5504477 / 00252 50 968220
Email: kmlsom@hotmail.com / jrcsom@hotmail.com
xafiiska codkahaweenka.com
|