| |
| Dowladaha waa weyn ee Reer Galbeedka oo
sheegay in ay aqoonsan yihiin Ra’iisal Wasaarenimada Nuur
Cadde |
17_12_08_codkahaweenka.com
, somalia
Dowladaha
waa weyn ee reer Galgeedka ee ku jira Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka
Soomaaliya ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya
u aqoonsan yihiin Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Cali Axmed Jaamac Jengeli oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii
hore ee Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana ka qeybgalay
Shirka ay Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya ay ku yeelataya
New York ayaa sheegay in Dowladihii ay arkeen oo ay ka mid ahaayeen
Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwo kale ay u sheegeen in
ay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya u aqoonsan yihiin Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde).
Cali Axmed Jaamac Jengeli oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee
BBC-da ayaa sheegay in labo go’aan oo uu soo saaray Madaxweyne
Yuusuf oo kala ahaa in uu xilka ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde, isla markaana uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Maxamed
Maxamuud Guuleed Gacma-dheere uu ahaa mid qar-iska-tuurnimo ah oo
aan laga fiirsan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqeen
madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay khilaafkooda
ku xaliyaan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aanka ay Kooxda International
Contact Group (ICG) ay ka qaadatay qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex
taagan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa
iyadoo xaaladaha siyaaso iyo ammaan ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aan
hagaagsaneyn.
Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in Kooxaha Burcad Badeedka
Soomaaliya lagula dagaallamo Badda iyo Berriga
17_12_08_codkahaweenka.com
, somalia
Golaha Ammaanka
ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu isku raacay in Kooxaha Burcad Badeedka
Soomaalida lagula dagaallamo Berriga Soomaaliya.
Golaha Ammaanka oo shir ka yeeshay dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka
ku hayaan Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in haddii kooxahaas lagula
dagaallamo kaliya Xeebaha ay ku dhuuman karaan Berriga u dhow xeebaha
ay wax ka af-duubtaan.
Laakin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa shaaca
ka qaaday in inta aan la bilaabin howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha
Burcad Badeedka loo baahan yahay in marka hore ogolaasho laga helo
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Dowladda haatan ka jirta Soomaaliya.
Markii uu soo baxay go’aanka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay ka qaatay Burcad Badeedka Soomaalida ayaa qoraal ka soo baxay
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) waxaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka, iyadoo
qoraalkaas lagu xusay in loo baahan yahay in lala dagaallamo Burcad
Badeedka si ay Xeebaha Soomaaliya u noqdaan kuwo ammaankooda la isku
haleyn karo.
Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta
iyo Doomaha qafaasha ayaa waxaa haatanba ku sugan Maraakiib ay leeyihiin
Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Faransiiska, Spain, Hindiya iyo kuwo
kale oo ka socda Dalalka Midowga Yurub, hayeeshee ilaa iyo haatan
waxaa lagu heystaa Xeebaha Soomaaliya Maraakiib dhowr ah oo ay ku
jiraan labo Markab oo mid uu wado Hub, midka kalena Saliid Ceyriin
oo labo Milyan oo Fuusto gaareysa.
xafiiska codkahaweenka.com
|