Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

15_12_08_codkahaweenka.com , somalia

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Xildhibaannadii ka qeybgalay kulankii maanta oo tiradooda ay dhameyd 170 mudane ayaa 143 ka mid ah waxay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay diideen 20 mudane, halka ay ka aamuseen 7 Mudane oo kale.


Intii aaney Mudanayaasha Codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda ayaa waxay dhegeysteen khudbad uu u jeediyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, taasi oo uu Ra’iisal Wasaaraha uga taariikheynayay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, iyadoo uu si gaar ah hoosta uga xariiqay in madaxweynaha uu ka soo horjeedo in Xukuumaddiisa shaqeyso, weliba uu doonayo in uu dalka dibugu noqdo

dagaalladii sokeeye iyo fowdadii uu mudada dheer ku soo jiray.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dhawaajiyay in uu Madaxweynaha diidan yahay in la fuliyo go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan Xukuumadda lagu soo celin Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenno horay isu casilay, go’aankaas oo ahaa mid ay sidoo kale ayideen madaxda Urur Goboleedka IGAD. Gunaanadkii khudbaddiisa ayuu Ra’iisal Wasaaraha ku sheegay in uusan madaxweynaha xaq u lahayn in uu xil ka qaadis ka sameeyo, arrintaasna ay u taallo Baarlamaanka.


Intaas kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo shirkii maanta Shir guddoominayay ayaa wuxuu cod geliyay in kalsooni la siiyo iyo in codka kalsoonida loo diiday Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxayna natiijadii cod bixinta noqotay in Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay codka kalsoonida ku heshay si aqlabiyad leh.


Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in xil-ka-qaadistii uu madaxweynaha ku sameeyay Ra'iisal Wasaaaha ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan madaxweynaha awood u lahayn in uu xilka ka qaado Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, "Marka Xukuumadda waqtiga ka dhamaado waxay kalsooni soo weydiisaneysaa Baarlamaanka, Madaxweynaha xil-ka-qaadista uu sameeyayna waxba kama jiraan" ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.


Go’aanka maanta kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo uu sheegay in uu xilkii ka qaaday RA’iisal Wasaare Nuur Cadde, uuna muddo 3 maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare cusub oo soo dhisi doono Xukuumad tayo leh. Lama oga tallaabada uu Madaxweynaha ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya


Banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne Yuusuf ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ka dhacay

15_12_08_codkahaweenka.com , somalia

Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.


Dad aad u faro badan oo saaka waxay isugu soo baxeen Degmooyinka Yaaqshiid, C/Casiis, Kaaraan, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeenley ayaa waxay socod ku mareen Waddooyin dhexmara degmooyinkaas, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.


Horjoogayaal u hadlay dadkii isugu soo baxay Degmada Dharkeenley ayaa waxay sheegeen in xil-ka-qaadista uu sameeyay Madaxweyne Yuusuf ay tahay mid looga soo horjeedo nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna xuseen in Madaxweynaha uu ka soo horjeedo in ay nabad helaan dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku taageereynaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu Ciidamo gaar ah u sameeyay Suuqa Bakaaraha oo maalin kasta ay shaqaaqooyin ka dhici jireen, hantida taallana dhac loo geysan jiray”ayuu yiri Axmed Xasan Nuur oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay Degmada Dharkeenley.

Ugu dambeyntiina, Dadkii banaanbaxa ka dhigay Degmooyinka ka mid ah Gobolka Banaadir ayaa waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dadaallada dib u heshiisiinta ah ee uu Muqdisho ka wado Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo muddo labo sano ah kadib Arbacadii dhaweyd dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com