| |
| Shiikh Shariif oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu u dhinto
hadafkiisa ah sidii Soomaaliya Nabad iyo Cadaalad loogu heli lahaa
|
13_12_08_codkahaweenka.com
, somalia
Guddoomiyaha
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif
Shiikh Axmed oo maanta Hotelka Laf-weyn kulan kula yeeshay Xubno ka
socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa wuxuu caddeeyay in uu diyaar
u yahay in uu u dhinto hadafkiisa ah sidii Soomaaliya Nabad iyo Cadaalad
loogu heli lahaa.
Shiikh Shariif oo uu hadalkiisa aad u kululaa ayaa wuxuu sheegay in
ay soo baxayeen dhawaanahan Dad Gaal ku tilmaamaya ciddii aan fikirkooda
aamisaneyn, wuxuuna sheegay in aaney taasi suurtagal noqon karin,
“Dadka Soomaaliyeed waa Muslimiin wada Ahlu Sunno ah, mana jirto
cid gaal lagu tilmaami karo iyadoo aan lagu heynin sifooyinkii Diinta
looga baxayay, xitaa qoladan TFG-da markii aan isu nimid oo aan weydiinay
waxa ay ka qabaan in Shareecada Islaamka lagu xukumo wadanka, waxay
noo sheegeen in aysan taasi ka soo horjeedin”ayuu yiri Shiikh
Shariif Shiikh Axmed.
“Dadka mucaaradsan dadaallada xal-doonka ah ee aan wadno badankood
gadaal ayay kaga soo biireen Maxkamadihii Islaamka ee aan hoggaaminayay,
wixii aan isku baranayna waxay
ahaayeen in aan Shareecada Islaamka dadka ku xukunno”ayuu yiri
Shiikh Shariif oo sheegay in gacan la gooyo iyo qof xabad lagu dhufo
kaliya aaney ahayn fulinta Shareecada Islaamka.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu mar kale ku celiyay in ay diyaar
u yihiin in ay cid kasta ka qanciyaan waxyaabaha ay tabaneyso, xitaa
haddii ay dan gaar ah wadato, wuxuuna caddeeyay in ay arrintiisa gooni
tahay qofkii doonaya in uu dagaal sii wado, "Haddii aan la heshiinay
dadkii dhibaatadan asalka u ahaa, ma jiraan wax diidaya in aan la
heshiinno dadkii aan soo wada halgannay ee aan duurka wada galnay,
annaga waxaan diyaar u nahay in aan siinno haddii ay xilal doonayaan,
sidoo kalena aan siinno haddii ay dhaqaale rabaan"ayuu yiri Shiikh
Shariif Shiikh Axmed.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo
beegmay iyadoo tan iyo markii uu Isbaheysigiisa wada hadallada la
galay Dowladda Federaalka ay soo baxayeen warar sheegayay in Shiikh
Shariif iyo Isbaheysiga uu hoggaamiyo ay ku biireen Qolada Ridada,
waa sida ay yiraahdaan dadka ka soo horjeeda siyaasadaha Isbaheysiga
Dib u xoreyn garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka.
Si kastaba arrintu ha haatee, Shiikh Shariif oo Arbacadii aynu ka
soo gudubnay soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu muddo
labo sano ah ka maqnaa ayaa wuxuu weli ka wadaa Hotelka Laf-weyn wada
hadallo uu yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka
Banaadir, isagoo kala hadlaya sidii loo dhaqangelin lahaa heshiis
ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya.
xafiiska codkahaweenka.com
|