Seddex Haween ah oo lagu dhaawacay Baydhabo

13_12_2008_codkahaweenka.com , somalia

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka gudaha magaaladaas dhaawac loogu geystay seddex Haween ah oo ka mid ah haweenka mehradaha ganacsi ku heysta magaaladaas.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in Haweenkaas oo meel suuq ah ku sugnaa ay rasaas ku fureen, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta rasaasta loogu furay. Dhaawaca haweenkan ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu bartilmaameedsado Haween tan iyo markii uu faraha ka baxay ammaanka Magaalada Baydhabo oo ay ka dhacaan Dilal, Qaraxyo iyo weliba Weerarro mararka qaarkood dhaca, kuwaasi oo lagu qaado guryaha ay Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kalena, weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Magaalada Baydhabo ku wada sugan yihiin seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo weliba uu u dhaxeeyo khilaaf muuqda oo salka ku haya is-bedel uu siyaasadda Soomaaliya ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo markii la magacaabayba bilaabay dhaqdhaqaaqyo xal-doon ah, ilaa ugu dambeyntii ay heshiis wada gaaraan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ammaanka Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu in muddo ah ahaa mid aan la isku haleyn karin, waxaana ilaa iyo haatan aan muuqan awood wax ka qaban karta amni darradaas, marka laga reebo Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Bay oo mar mar howlgallo sameeya, kuwaasi oo qudhooda bambo gacmeedyo lagu weeraro inta ay howlgallada sameynayaan.

 

Xuska Maalinta Baaqa Caalamiga ah ee Xuququl Insaanka oo Maanta lagu qabtay xarunta Dalladda Haweenka Cogwo ee Muqdisho

10_12_2008codkahaweenka.com , somalia

Arbaco, December 10, 2008 Maanta oo kale sanad kasta 10-ka December waxaa Adduunka laga xusaa maalinta baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, taasi oo la isku raacay in si gaar ah loo weyneeyo, iyadoo xus maalintaas loo sameeyayna maanta lagu qabtay Xarunta Daladda Haweenka Cogwo ee Magaalada Muqdisho.


Xuskaas waxaa ka hadashay Agaasimaha Dalladda Haweenka Cogwo Drs. Sahra Maxamed Axmed oo u mahad celisay dhammaan ka qeybgalayaashii xafladda “waxaan u mahadcelinayaa Allaha na waafajiyay in aan dalkeena iyo dadkeena u hurno nafteena iyo maalkeena, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka ku nool ee habeen iyo maalin nala kor taagan Gargaar dhaqaale oo aan wax ugu qabano Ummada Soomaaliyeed ee Tabaleysan, waxaana si gaar ah ugu Mahad celineynaa Cabdi Muuse Maaxay iyo Asxaabtiisa iyo Dhaqaatiirta ka hawlgasha Kijabe Hospital” ayay tiri Sahra Maxamed Axmed Agaasimaha Dalladda Cogwo oo ka hadleysay Xuska Maalinta Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. Sidoo kale waxaa ay xustay Drs. Sahra in Dallada haweenka Cogwo ka kooban tahay 30 Urur haween oo yoolkoodu yahay in ay ka kaaban Haweenka Soomaaliyed dhinacyada Dhaqaalaha ,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Nabadgalyada,taaso lagu gaari karo marka ay Haweenka Soomaaliyed meel uga soo wada jeestan wax u qabadka Dalkooda iyo Dadkoodaba “Hay’adda Cogwo waxay ku Dadashaa in gabdhaha Soomaaliyeed ay wax bartaan iyadoo ka bixisa Lacagta Jamacadaha lagu dhigto Gabdho badan oo Soomaaliyeed.


Maanta oo ahayd 10ka December 2008 waxaa loo dabaal-degayay Sanad-guuradii 60aad ee ka soo wareegatay markii la soo saaray Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha markaasi oo ku beegneyd 10-kii


Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadashay Sahra Xasan Caynte oo ka tirsan Guddiga fulinta ee Dalladda Cogwo, waxayna xustay in munaasadda ay kala qeybqaadanayaan Shucuubta Caalamka qaasatan tan Muslimiinta ay tahay munaasabad aad u weyn, intaas kadibna waxay u mahadcelisay Aas aasyashii Dalldda Cogwo oo ay sheegtay in ay ahaayeen Gabdho Aqoon leh kuwaasi oo ay ka xustay Drs Khadiija Cosoble, Drs. Maryan Abdulle Qaawane ,Drs Faa’isa Maxa’ed Qaalib, Maryan Yusuf Shiikh, Drs Sahra Maxa’ed Nuur, Drs. Suldaano Maxaed Caddow, Drs. Xabiibo Sh Xasan, Drs Ruqiyo Ali Cabdule, iyo xubno kale oo aad u fara badan.


Ugu dambeyntiina, Munaasabadda xuska sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegatay baaqa caalamiga ah ee Xuququl-Insaanka ayaa waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumeysa dhibaatada loo geysto haweenka iyo wax tarka aqoonta Gabdhaha, taasi oo ay si weyn uga maqsuudeen dadkii ka qeybgalay.



xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com