10 Qofood Dad rayad ah oo ay Ciidamada Ethiopia ee deegaanka Kabahirig ku laayay dagaal shalay ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

13_12_2008codkahaweenka.com , somalia

Dagaalkii waxaa uu yimid kadib markii ciidamada Ethiopia ay bilaabeen in ay isku faafiyaan deegaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanka Goobaale iyo Wanlaweyn waxaana halkaasi kaga horyimid xoogaga hubaysan ee indhawaalaba halkaasi difaac ugu jiray taasi oo sababtay in halkaasi uu ka dhaco dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labadaasi dhinac.10-ruux oo rayid ah

Dagaalka kadib waxaa ay ciidamada Ethiopia bileebaan in ay isku faafiyeen dhulka howdka ah oo ay daganyihiin dadka reer miyiga ah waxaana ciidamada Ethiopia ay halkaasi ku dileen dad kor u dhaafaya ilaa.


Dadkaani oo tiradoodu ay shalay gaaraysay 9-qofood ayaa haatan waxaa ay maraysaa ilaa 12-ruux kuwaasi oo maydadkooda laga helay goobo ay ciidamada Ethiopia ku dileen oo ku taala deegaanka kabahirig ee gobolka Sh/hoose.

Maydadka dadkaan ayaa waxaa la helay kadib markii ciidamada Ethiopia ay halkaasi isaga baxeen,waxaana dadka ay ciidamada Ethiopia dileen dhamaandood ay ahaayeen kuwa reer miyi ah kuwaasi oo ceelbiyood ka cabayay ceel halkaasi ku yaala.


Dadkii ku dhaawacmay dagaaladii shalay galinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Yaaqabariweyne ayaa waxaa la gaarsiiyay cusbitaalka degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Dhanka kale ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa howlgal culus oo ay ka fuliyeen xaafadaha degmadaasi waxaa ay ku soo qab qabteen 3-wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ula dhaqaaqeen fariisinka ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamada ayaa xiligii ay howlgalkaasi bilaabayeen waxaa ay jiifka ka wada kiciyeen dhalainyardii daganaa xaafadda Baalguri kuwaasi oo qaarna ay wateen halka kuwa kalena ay six un u jirdileen.

Arintaan ayaa cabsi iyo wal wal fara badan ku beertay dhalinyardii ku noolayd qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxaana ilaa iyo haatan si dhab ah aan loo ogayn sababta ay ciidamada Ethiopia u qab qabanayaan dhalinyarada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.


xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com