Diyaarad
yar oo nooca qaadka daabusha ahayd ayaa saaka waxay ku dhacday,
kuna burburtay Tuulada No.50 ee Gobolka Shabeelaha Shabeelaha,
iyadoo xiliga diyaaraddaas ay dhaceysayna ay dooneysay in ay
ku degto Garoonka No.50 oo ku yaala meel Tuuladaas u dhow.
Diyaaraddaas oo gebi ahaanba burburtay ayaa waxaa ku dhintay
duuliyihii kaxeynayay iyo labo shaqaale ah oo la socday, kuwaasi
oo dhamaantood Kenya u dhashay, waxaana sidoo kale baaba'ay
Qaadkii Diyaaraddaas saarnaa.
Sababta keentay in diyaaradda dhacdo ayaa lagu sheegay in ay
hawada aad u xumeyd, isla markaana ay ku dhacday mid ka mid
Tower-ro ay Shirkado Isgaarsiineed ku rakibteen Tuulada No.
50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shilka soo gaaray diyaaraddaas ayaan wax saameyn ah ku yeelan
Garoonka No. 50 oo ay ku soo degeen diyaarado kale oo Qaad waday,
kuwaasi oo si caadi ah u soo caga dhigtay.
Garoonka No. 50 oo intii aan la furin Garoonka Diyaaradaha Aadan
Cadde ee Magaalada Muqdisho ahaa mid mashquul ah oo dadka ku
dhaqan Magaalada Muqdisho ay ka dhoofi jireen kana soo degi
jireen ayaa dhawaanahan waxaa kaliya isticmaalayay Diyaarado
UN-ka u kireysan iyo kuwa Qaadka keena Soomaaliya.
Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia
Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa todobaadkaani
gashay buuga lagu qora mucjisooyin ka aduunka iyadoo aan timaheeda
jarin muddo 55-sano ah .
Augl_13_ 2008 Codka Haweenkal
, Mogadishu , Somalia .
Haweeneydaani
u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa tan iyo sanadkii 1953-dii jarin
ama gaabin timaheeda taasi oo keentay in timaheeda iyo dhirarkeeda
isku mid noqdaan .
Jane
Burgess ayaa shaaca ka qaaday in ay horay balan ugu qaaday in
aysan jarin ama gaabin tiamaheeda , iyadoo go`aankaasi uu ku
dhashay markii ay aragtay macalimad wax u dhigi jirtay oo in
muddo ah timaha iska jarin .
Iminka
ayaa haweeyndaani u dabaal degaysaa sanad guuradeeda iyadoo
sanadkii 70-tanaad iminka galeysa, waxa ayna sheegtay in ay
ku faraxsan tahay in ay noqoto haweeneyda ugu timaha dheer aduunka
.
Timaheeda
ayaa ka dheer oo dhulka ayay marayaan , waxa ayna intaa raacisay
in haatan ku tala jirin in ay jarto ama gaabiso sida ay u sheegtay
warbaahinta Ingiriiska
Xildhibaannada Baarlmaanka Soomaaliya
oo uu saameyn ku yeeshay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda
sare ee Dowladda
Augl_13_
2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .
Xildhibaannada
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga dhex dareemayaa
saameyn uu ku yeeshay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen
(Nuur Cadde).
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo labadaas mas'uul la kala
safan ayaa kuwa la safan Madaxweynaha waxay ku eedeynayaan Ra'iisal
Wasaaraha in Xukuumaddiisa ay gashay fadeexad maaliyeed, sidaas
darteedna ay tahay in ay kalsooni warsato Baarlamaanka, halka
Xildhibaannada la jira Ra'iisal Wasaarahana ay ku doodayaan
in Madaxweynaha uu jebiya qodobo ka tirsan Axdiga KMG ah, sidaas
darteedna ay qasab tahay in laga geeyo mooshin lagu dacweynayo.
Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo ka mid ah Mudanayaasha mooshinka
ka diyaarinaya Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu
ku doodayaa in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xukuumadda
dabagal ku sameeyay uu soo ogaaday in ay Xukuumadda ku jirto
Fadeexad maaliyadeed, sidaas darteedna ay mooshin ka geynayaan
Baarlamaanka.
Xildhibaan Cumar Islow oo isna ka mid ah Xildhibaannada qaba
in ay Xukuumadda ku socoto dariiqa saxda ah ayaa wuxuu ku doodayaa
in cidda lala xisaabtamayo ay tahay Madaxweynaha oo sida uu
yiri jebiyay qodobo ka tirsan Axdiga KMG ah.
Haddaba haddii Xukuumadda mooshin laga geynayo ayaa waxaa loo
baahan yahay in ay ugu yaraan Guddoonka Baarlamaanka Mooshin
u gudbiyaan 25 Mudane, marka codka kalsoonida loo qaadayana
la helo 139 Mudane.
Laakin arrinta mooshin ka geynta Madaxweynaha intaas waa ay
ka
culus tahay waxaana loo baahan yahay 93 Mudane in ay mooshin
ka geyso, marka codka kalsoonida loo qaadayana waxaa loo baahan
yahay 184 Mudane.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa halka uu ku
dambeeyo xarig-jiidka u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka oo
iyagu laga dareemayo in ay la kala safan yihiin Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu soo kala dhexgalay
khilaaf ka dhashay xil-ka-qaadistii ay Xukuumadda Federaalka
ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada
Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere
|