Masuul u hadlay Hay’adda DBG oo sheegay in ay joojiyen Howlihii samafalka ee ay ka wadeen Soomaaliya

12_07_08_codkahaweenka.com , somalia

Hay’adda Samafalka Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa shaaca ka qaaday in ay joojineyso howlihii samafalka ahaa ee ay ka waday dalka Soomaaliya.


Agaasimaha Hay’adda DBG Xaaji Abuukar Shiikh Cali ayaa sheegay inay go’aankaas qaateen kadib markii shalay deegaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay Agaasime ku xigeenkii Hay’adda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K).


Xaaji Abuukar waxaa uu sheegay in horay Hay’addooda dhibaatooyin loogu geystay, haatanna ay soo gaartay dhibaato aad u culus oo ah in la dilo mas’uuliyiinta Hay’adda, sidaas darteedna wuxuu sheegay in ay joojiyeen howlihii samafalka ahaa ee ay Bulshada u hayeen, inkastoo uu sheegay in ay howshaas sii wadi karaan marka la helo awood xakameyn karta dadka ka soo horjeeda in loo gargaaro dadka dhibaateysan, isla markaana ugaarsanaya shakhsiyaadka ku howlan samafalka.


Bartamihii sanadkii tagay ayaa waxaa xarunta Hay’adda DBG oo ku taala Deegaanka km 13 weerar ku qaaday kooxo hubeysan, kuwaasi oo dhacay qalab ay Hay’adda lahayd iyo weliba dukaan ka tirsan dhismaha Xarunta Hay’adda, kaasi oo ay isna ka qaateen lacag badan.


Ka sii horna intii uu socday Dagaalkii sanadkii hore Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen ayaa waxaa Xarun ay Hay’adda ku lahayd nawaaxiga Hotelkii Towfiiq waxaa soo gaartay duqeyn xooggan, iyadoo ay qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’addana ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay duqeyntaas.


Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee DBG ayaa waxay ka mid tahay Hay’ado dhowr ah oo howlo samafal ah ka waday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay ku barakaceen dad badan oo ka cararay dagaallada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.


Xaaladda Caafimaad ee Samafale Cali Baashi Aloore oo ka soo reyneysa

12_07_08_codkahaweenka.com , somalia

Waxaa ka soo reyneysa xaaladda Caafimaad ee Cali Baashi Aloore oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Samafalka Wadaniga ah ee Sorda, kaasi oo ay shalay kooxo hubeysan ku dhaawaceen Deegaanka km 13 ee ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.


Cali Baashi ayaa waxaa la dhaawacay isagoo raashin mucaawino ah u qeybinayay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan Deegaanka km 13, iyadoo kadibna dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.


Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa sheegay in xaaladda Cali Baashi ay haatan ka soo reyneyso, isla markaana ay daweyntiisa ku howlan yihiin Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha Isbitaalka Madiina.


Dhanka kalena Kooxo hubeysan ayaa waxay shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku toogteen Agaasime ku xigeenkii Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K).


Indhawaalaba waxaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ku soo badanayay dilal loo geysanayo dadka bulshada indhaha u ah sida aqoonyahannada, ganacsatada, culumaa’udiinka, iyadoo ay xusid mudan tahay in dilalkii ugu dambeeyay lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad howlo samafal ah ku howlanaa.


Waxaa is weydiin mudan dadka iyagu laynaya dadka barimageydada ah ee aan dagaalka ku jirin waxa ay ka damac san yihiin Mustaqbalka Umadda soomaaliyeed oo iyagu waa yadan danbe galaysay baal mugdi ah

xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com