Masuuliyiin ka socday Dallada haweenka Cogwo ayaa Maanta Deeq lacageed oo dhan 294 .000 shilin Somalia ah Gudoonsiye Haweenkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii Miino kula kacaday Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Aug_11_08_ 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Waxaa isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Deeq lacageed gaarsiiyey Masuuliyiinta ka socday Dallada Haweenka Cogwo ayaa waxaa dhinaca haweenka Cogwo u hadashay Marwo Caasho Abdi diini oo ka warbixisay in deeqdan lacageed oo dhameyd ilaa sagaal iyo labatan kun iyo Afar Boqol {294.000} oo shilli Soamalia ah in ay iska soo Ururiyeed Masuuliyiinta Dallada Cogwo waxaan ugu talo galnay in aan siino Gabdhihii soomaaliyeed ee ku waxyeloobay Qaraxii miinada ahayd eek u dhacday iyaga oo waday hawl tabarucaad ah ee ahayd in ay qashinka ka qaadaan wadooyinka ay isticmalaan bulshadu.


Waxaan ku dhacday nasiib xumo, ka dibna ay miino ku qaraxdo,ayey tiri Marwo caasha abdi diini oo ka mida masuulliyiinta Dallada Cogwo iyadoo waliba u dirtay dadka somaliye dirtay baaq ku saabsan in ay u soo gurmadaan Gabdhahaasi dhibaatadu ku dhacday iyagoo ku hawlan ahwl mutactadanimo.


Deeqdaasi waxaa masuuliyiinta Cogwo ka Gudoomay Agaasimaha ku xigeenka Isbitaalba Madiina Daahir maxa’ed maxa’ud {D,dheere} oo xusay “in ay faraxsan yihiin in ay ka qeybgalaan deeqdaasi loogu talagay Gabdhihii Somaliyed ee dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama uu ka soo gaaray dhaawacyo oo tiradoodu gaaresay 42 qof ood oo dhaawac ah oo ilaa hada Isbitaalka ku jira in ay hada’dda wadaniga Soomaaliyeed ee ay ku bahoobeen Gabdhaha ee Cogwo ay ugu soo deqeen lacag runtii Bukaan walba la siiiyey kiiba 700.00 oo shilin soomaali ah,oo bukaankii la siiyaa ay ku farxeen ayey Isbitaalka kenen waana uguga mahadcelineynaa hadii aan nahay Masuuliyeeinta isbitaalka Madiina waxaana leenahay ilaah hey qeyrbadan ha idin kugu badalo dadkii bukaanka ahad oo aad siiseena waxaan leenahay Ilaah caafimaad ha ugu daro.


Waxaa dhinaca bukaanka u hadashay xaliima ibraahin isman oo ah gabar 18 jir oo xaamilo ah kuna weynady lug ka mida labadeeda lugood, aadna ugu gubtay Holicii miinada xustayna inay aad u xanuunsaneydo.


Waxaana deeqdaasi lacageed oo dalladda Haweenka Cogwo gudoonsiiyada haweenkaasi dhiban ay uga mahadceliyeen sida ay marwalba ugu taagan tahay wax u qabashada Haweenka dhiban ee soomaaliyeed dhinaca kale waxaa ka mid ahaa Guddiga ay iska soo xushay waxaa ka mid ahaa


Ruqiya Ali Abdulle Maryan taqal.Caasha malaaq iyo Caasha Abdi diini, Waxaa ay hawshaasi ku dhamaatay sidii loogu tala galay


Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia


Waxaa xalay saacadihii hore qarax loogu geystay ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey agagaarka Siinka ee duleedka Magaalada Muqdisho


Aug_10_08_ 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

Ciidamada Ethiopia ayaa xalay lagu Weeraray Contorolka Siinka dheer iyo deegaanka KM13 xili ay halkaasi marayeen.


Ciidamadaan Ethiopianka ah oo xalay ka amba baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday sida la sheegay degmada Afgooye ayaa Qaraxyo waxaa lagu la beegsaday Contorolka siinka dheer iyo deegaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.


Qarax koowaad ayaa waxaa lagula beegsaday Ciidamada Ethiopia deegaanka KM13 iyadoo qaraxyada ay u muuqdeen qoryaha garbaha laga tuuro ee loo Yaqaano Baasuukaha.

aaba yeelin oo aan la ogeyn cida ku wax yeelowday rasaastaasi.
Laba gaari ka mid ah gawaarida ay watee ciidamada Ethiopia ayaa aroortii hore ee saakay la arkayay iyadoo jaqfaha lagu qaaday gaari kale,waxaana ciidamada Ethiopia ay xalay ku hoydeen Contorlka siinka dheer oo qaraxyo lagula beegsaday.


Afhayeenka Ciidamada Maxkamdaha islaamka ee Soomaaliya Sheekh Cabdi Raxiin Ciise Cadow ayaa saxaafada u xaqiijiyay in xoogaga Muqaawamada ay Weerareen Ciidamada Ethiopia oo ka amba baxay magaalada Muqdisho oo marayay Contorolka siinka dheer iyo deegaanka KM13,waxaana uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay qasaaro u geysteen ayna gubeen gaari oo uuraal ah islamarkaana ay ka geeriyoodeen ku dhawaad 30 Askari sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Ethiopia ayaa aalaaba markii ay ku safraan wadada isku xirta muqdisho iyo beydhabo waxa ay la kulmaan Weeraro iyo Qaraxyo kala duwan oo kaga imaanaya xoogaga ka soo horjeeda dowlada KMG iyo joogitaanka Ciidamada


Ethiopia.iyadoo sidoo kale werer sidaan kale ah loogu geystay ciidamadii loogu gaystay qarax bam oo uu ku geeriyooday taliyihii watay ciidamada boliiska oo dhawaan tababarku ugu soo dhamaaday dalka itoobiya oo dhawaan soo garay xaruuntii taliska asluubta oo hada u ah xaruun ciidamada itoobiya

Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia


 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com