WAR-SAXAAFADEED UU SOO SAARAY AFHAYEENKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBEDDA, SEAN MCCORMACK

U.S. DEPARTMENT OF STATE
Office of the Spokesman

Deg deg July 7, 2008
2008/552

10_07_008_www.codkahaweenka.com_Muqdisho_Soamalia

WAR-SAXAAFADEED UU SOO SAARAY AFHAYEENKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBEDDA, SEAN MCCORMACK

Somaaliya: Dilka Sarkaalka Qaramada Midoobay


Dowladda Mareyanku waxay cambaareyneysaa dilkii loo geystay Cusmaan Cali Axmed, oo ahaa Muqdisho Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP). Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Cusmaan, waxaana ka mahadnaqeynaa dadaalkii caafimaad ee ay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka ee Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika si loo badbaadiyo nolosha Cusmaan.

Dilka Cusmaan waa fal waxashnimo ah oo dhacay xilli isaga, wiilkiisa iyo walaalkiis ay ka soo baxayeen masjidka, waxayna taasi muujineysaa sida kooxaha mayalka adage e qas-wadayaasha ah ay uga go’an tahay inay weeraraan xaqa qofku u leeyahay inuu wax caabudo, isla markaana ay aamusiiyaan codadka qunyar-socodka ah ee u shaqeynaya sidii nabad iyo xasilooni waarta looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Dowladda Mareykanku waxay ugu baaqeysaa Soomalida oo dhan inay sida wadajir ah u shaqeeyaan iyagaoo adeegsanaya wadahadal nabadeed iyo tanaasul, iyadoo maanka lagu hayo Heshiiskii Jabuuti ee June 9keedii, isla markaana ay gacan ka geystaan badbaadada dhamman shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ku sugan.

 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com