Daladda
Haweenka Cogwo oo maanta Baaq deg deg ah u jeedisay Beesha Caalamka
in aysan indhaha ka qarsan Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku
jirta xabsiyadda dalalka ku yaalla east Afrka
Shair Jaraa’id oo ay manta Xafiiskoodda ku yalla magaaladda
Mugdisho ay ku
Qabteen Masuuliyiinta Haweeynka Daladda Cogwo ayeey ka soo saareen
Baaq Qaylo dhaan ah oo ku wajahan Dhalinyaradda Soomaaliyeed
ee sida macno La’aanta ah Xabsiyadda dalalka Taansaniya,
Zaambiya, iyo kuwo kale oo ku yaallas east Africa, kuwaas oo
ay ku haysato dhibaato tii ugu xumeeyd iyo caafimaad xumo ka
soo wajahday dhalinyaradaasi intii ay ku jireen Xabsiyadda.
Dhalinyarro Soomaaliyed oo gaaraaya in ka badan ilaa 3000. oo
ruux ayaa la xusay in ay ku jiraan xabsiyadaasi haba ugu sii
badnaadaanee dalka taansaaniya oo weliba la sheegay in masuuliyiinta
xabsiyadaasi ay six xun ula dhaqmaan oo ay weliba si aad ah
oo arxan la'aan ah beeraha ugu fashaanm tiiyoo ay u dheertahay
in ay mararka Qaarkood ku waayaan Naftoodda qaaliga ah

300 Xubnood oo Haweeyn ah ahna hooyooyinkii dhalay dhalinyaradaasi
ayaa manta waxay iskugu yimaadeen Xarunta Daladda Haweeynweeynaha
Cogwo iyagoo ka cabanaaya dhibaatooyinka lagu haayo caruurtoodda
ku jiura xabsiyadda modfadda ka badan 2. Sanno isla markaasna
aysan jirin cid iska xilsaartay in ay wa ka qabnato oo ay u
soo celiso xoriyadoodda qaaliga ah, waxayna sheegeen in ay aad
iyo aad uga walaacsanyihiin darxumidda haysato caruurtoodda
, taas oo ay sheegeen in wixii ay dalkoodda uga carareen ay
la kulmeen wax ka daran.

Agaasimaha daladda Haweeynka Cogwo Marwo Sahra axmed Maxamed
oo arintaasi darted shir Jaraa’id ku qabatay xarunta Cogwo
ayaa baaq Qaylo dhaan ah u jeedisay Beesha Caalamka iyo Weliba
Dawladda Federaalka ah ee soomaaliya m Gaar ahaan Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda Soomaaliyeed Nuur Xasan Xuseen in ay wa
ka qabtaan dhibaatooyinka haysta Caruurtoodda li jira Jeelasha
dalalkaasi.
Drs Sahra maxa'ed axmed Waxaa kaloo ay baaqeedaas ku xusatay
in dawladda taansaaniya ay dhalinyaradaasi ka soo deyso Xabsiyadda
ay ku jiraan iyagoo eegaaya bini aadanimadda isla marasna ay
dalkoodda u soo dhiifiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waayo
ayeey tiri dhalinyaradaasi waxay ka carareen waa dhibaato ka
jirta dalkooda loomana baahna in dhibaato kale loo abuuro.
Sidoo
kale waxaa halkaasi ka hadashay mid ka mid ah haweeynka ay caruurtoodda
ku jiraan Jeelasha Dalalkaasi ku yaalla east afrika oo ayaa
waxayna sheegtay in ay caruurtaasi ay ku jiraan kuwo xanuun
la ildaran iyo kuwo ku dhaw in ay waashaan, kadib markii lagu
iloobay xabsiyadda, iyadoo xustay in ay si weeyn uga walwalsan
tahay caruurtoodda.
Sida laga warqabo waxaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan xabsiyadda
dalalkaasi dhalinyaro Soomaaliyeed ee
kor u dhaafaayo 3000. oo kun ruux oo weliba lagu qabto shaqo
adag , Gabdhaha qaarkoodna ay dhacdo in la kufsado, Qaarna la
dilo halka qaar kalana ay caruur ku dhaleen ka dib markii si
qasab ah lagu kufsaday amaba si xoog ah lagu haytay moddo 5.bilood
ka badan dabadeedna magaaladda lagu siidaayay xabsina ay sidaas
ku galeen.
Xildhibaanno si kulul u weeraray Xukuumadda Ra’iisal
Wasaare Nuur Cadde
July_10_07_ 2008 Codka Haweenkal, Mogadishu
, Somalia .
Xildhibaanno
ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay
si kulul u weerareen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde, waxyna qaar ka mid ah Xildhibaannadaas ay soo jeediyeen
in ay Xukuumaddaas is-casisho.
Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga
Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay
in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde aysan waxba
ka qaban arrimaha Ammaanka dalka, sidaas darteedna wuxuu ku
baaqay in ay Xukuumadda is-casisho bacdamaa sida uu yiri ay
ku fashilantay in ay wax ka qabato amni darrada dalka ka jirta.
Xildhibaan Macallin Jiis oo isna ka hadlayay Fadhi ay maanta
Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa
wuxuu sheegay in amni darrada dalka ka jirta ay taagan tahay
in ay mas’uuliyiinta Dowladda isaga kala gooshi waayaan
magaalooyinka Baydhabo iyo Xamar, “Xiligii ay jirtay Xukuumaddii
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa lala wada socdaa in Xildhibaannada
Baarlamaanka ay u kala socdaali jireen Muqdisho iyo Baydhabo,
hadana waxaaba amni darro ka tagaan tahay Baydhabo gudaheeda”ayuu
yiri Xildhibaan Macallin Jiis.
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa iyaduna waxay sheegtay
in aanan lala soconin sida ay u wax u waddo Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, sidaas darteedna waxay Guddoonka Baarlamaanka ka
codsatay in uu Xukuumadda seddex maalmood gudahood ku hor keeno
Baarlamaanka.
“Dhaqaale ayaa Dowladda soo gala, ilaa iyo haatanna lama
oga meel uu ku socdo iyo sida loo maamulo, Hotello ayaa kumanaan
Doollar lagu seexdaa, Dalkiina amni kama jiro, marka waxaan
ka codsanayaa Guddoonka Baarlamaanka in uu Xukuumadda Baarlamaanka
horkeeno”ayay tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadallada kulul ee ay maanta
sii daayeen Xildhibaanadaas ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo
amni darrada Dalka ka jirta ay gaartay Magaalada Baydhabo oo
ah fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,
iyadoo ay xusid mudan tahay in Ururka Al-Shabaab uu habeen hore
Magaalada Baydhabo ku qaaday weerarro madaafiic loo adeegsaday,
kuwaasi oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha,
Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey oo fariisin u ah Ciidamo
Itoobiyaan ah, Saldhig-weynaha iyo Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo
iyana fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka
Soomaaliya
|