| |
| Abwaan Hadraawi oo ku baaqay in la joojiyo
Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho |
08_11_08_codkahaweenka.com
, somalia
Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo haatan socdaal ku jooga Dalka
Canada ayaa isagoo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa
uu ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.
Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay in dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho
ee dhibaatada badan geystay ay yihiin kuwo macno la’aan ah oo
ay uun ku baa’bayaan shacab badan oo aaney jirin wax ay galabsadeen.
“Waxaan ku baaqayaa in aan la sii macaansan dhiigga iyo dhimashada
ka dhaceysa magaalada Muqdisho, isla markaana la raadiyo xal lagaga
maarmo xabadda. waana ayaan darro weyn oo aan sabab sharci ah loo
heynin waxyaabaha ay dagaalladaas u dhacayaan”ayuu yiri Abwaan
Hadraawi oo ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan
Magaalada Muqdisho inay raadiyaan xal aan dagaal ahayn.
Abwaanka waxaa kale oo uu soo hadal qaaday qaraxyadii dhawaan ka dhacay
magaalada hargeysa, wuxuuna sheegay in uu si weyn uga xun yahay qaraxyadaas
oo ay dad badan ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen, wuxuuna kuwii
u dhintey uu Alle uga rajeeyay in uu Janadii ka waraabiyo, halka kuwii
ku dhaawacmay uu caafimaad u rajeeyay.
Arrin kale oo uu Abwaanka uga hadlay wareysiga uu siiyay Laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxay ahayd in uu si weyn uga digayo ku
dhaqanka heyb- sooca, wuxuuna sheegay in aysan taasi wax qiimo ah
lahayn, isagoo weliba caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad
walaalo ah oo meel qura ka wada yimid.
Abwaan Hadraawi ayaa had iyo jeeraale waxaa uu ka hadlaa dhibaatada
Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa, isagoo ku baaqa in ay waxgaradka
iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay u istaagaan sidii xal nabadeed
loogu heli lahaa dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Abwaan Hadraawi oo horay socdaal nabadeed ugu kala
bixiyay Gobollo badan oo ku yaala Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu haatan
socdaallo ku kala bixinayaa magaalooyinka Dalka Canada, wuxuuna ilaa
iyo haatan uu ka qeybgalay labo kulan oo waa weyn oo ka dhacay Magaalooyinka
Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada
Jawiga degmooyinkii dagaaladu ka dhaceen oo
degan saakay
08_11_08_codkahaweenka.com
, somalia
Xaalada
goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ee xaafado ka mid ah degmooyinka
wardhigley iyo Howl/wadaag ayaa degan iyadoo ay sii kordhayso khasaaraha
dadka rayid ah dagaalkan ka soo gaartay.
Dagaalkan ayaan soo gaaray xalay fiidkii hore laakin saaka ayaa xaaladu
degantahay iyadoo suuqa Bakaaraha uu saakay caadi yahay, Weeraro loo
adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayey ciidamada Itoobiya iyo
kuwa dowladu ka geysteen gudaha Bakaaro, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen
in ka badan 7 iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15 ruux oo dhamaantood
rayid ah.
Inta
laga warhayo sadex qofood oo shacab ah ayaa ku nafwaayay duqeyntaasi
ay qaadeen askarta Itoobiya in ka badan toban qofoodna waa ay ku dhaawacmeen
inkasta oo warar la helayo qaarkood ay tibaaxayaan in khasaarahu intaasi
ka sii badan yahay
Madaafiicdaasi ayaa ahayd mid ku dhacaysay suuqa weyn ee bakaaraha
iyo Agagarkiisa , shirikaadka isgaarsiinta iyo kuwa xawilaada inta
badan markii ay dagaalo dhex maraan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka
ciidamada Itoobiya iyo siyaasada DKM ayaa waxaa qasaaraha ugu badan
waxaa uu ka soo garaa dad u badan haween danyar ah iyo caruur kuwaasi
oo aan iinta badan iyagu haysa tasiilaadka ay dadku ku qaxaan.
Duqeyntaasi ayaa sidoo kale dad ku laayay xaafado hoostaga degmooyinka
W/dhiigley, H/wadaag iyo Hodan, gaar ahaan C/kamiin iyo meelo kale
waxaana ka soo gareen iyagana qasaare Naf iyo maalba leh
Beegsiga goobaha rayidku ay ku nool yihiin ee ciidamada Itoobiya iyo
kuwa dowlada federaalka ayaa timid ka gadaal markii xoogaga hubeysan
ee Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen saldhigyo ciidamadaasi
ay ku lee yihiin xaafada Xararyaale iyo isgoyska Folorense ee degmadaasi
W/dhiigley.
xafiiska codkahaweenka.com
|