|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
08_11_08_codkahaweenka.com , somalia Ciidamada dowlada ayaa saakay xiray guud ahaan dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Ciidamada dowlada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa saakay isku fidiyay Suuqyada Magaalada Baydhabo kuwaasi oo xiray dhamaan goobaha ganacsi waxana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Baydhabo. Dadka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay saakay ku soo tooseen rasaas xoogan oo ay ciidamada dowlada ku kala eryayeen ganacsatada iyo dadka ku kalahayay Suuqa magaalada Baydhabo. Howlgaladani oo ahaa kuwa aan horay loo sii shaacin ayaa waxaan la ogeeyn xiliga ay sii socon doonaan. Col Aadan Baariyoow oo ah taliye xigeenka Booliiska gobolka Bay oo aaynu wax ka weydiinay howlagaladani ay ciidamada dowlada ka wadaan magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Baydhabo oo dhawaanahani ay ku soo bateen qaraxyada iyo dilalka qorsheeysan. In kastoo ay howlagaladani maalin waliba ka wadaan ciidamada dowlada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay yihiin kuwo aan baajineeyn amman darida ka taagan halkaasi. Ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen howlagalada ay ciidamada dowlada ka wadaan magaalada Baydhabo oo hakad lagu galiyo dhaq dhaqaaqoda ganacsi.
|
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Copyright
©
codkahaweenka.com
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||