Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay soo faragaliyaan xaaladaha ka taagan wadanka Soomaaliya.

05_06_2009_Codkahaweenka , Mogadishu , Somalia .

Ra’iisul wasaaraha dowlada kmg Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlayay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ugu baaqay wadamada deriska la ah wadanka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan xaaladaha ka taagan wadanka Soomaaliya isla markaana ay dhaqan galiyaan qodobadii laga soo saaray magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia kaasi oo ahaa in xanibaad lagu soo rogo garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga dowlada ka soo hor jeeda.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee ay ku dhimanayaan dadka badani in ay ka danbeeyaan dagaal yahano shisheeye oo dalka dibada uga yimid.

“Waxaan ka rabnaa urur goboleedka Igad iyo kan midowga Africa in ay Soomaaliya difaacaan isla markaana ay ka doonayaan in ay cunaqabateeyn saaraan garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay ra’iisul wasaaraha in garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda ay ka soo degaan dagaal yahayno ka soo tagay wadamada shisheeye ayuu yiri isagoo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Nairobi isaga iyo Wasiirka arimaha dibada wadanka Kenya Moses Wetang'ula.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalada ka socoda magaalada Muqdisho isla markaana ay wada qabsan doonaan magaalada,waxaana ammaan ku soo dabaali doonaa guud ahaan dalka ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Inta lagu gudo jiray kulankaasi ayaa wasiirka arimaha dibada wadanka Kenya Moses Wetang'ula waxaa uu sheegay in xanibaada dekedaha la saarayo ay ku jiraan kuwa magaalooyinka Kismaayo iyo Marka oo ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg Soomaaliya isla markaana looga hor tago qul qul hub iyo dagaal yahano ku soo gurmaya dalka Soomaaliya.

Ugu danbeeyntii waxaa uu wasiirka arimaha dibada wadanka Kenya uu sheegay in dowlada Kenya ay dooneyso in sidoo kale la xanibo garoomo badan oo ay maamulaan xoogaga islaamiga ah ee ka jira dalka Soomaaliya. Qoysaskii ugu danbeeyay ee ka cararay dagaalada ka dhacay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa gaaray deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho


Barakacayaashii ugu dambeeyay ee ka cararay dagaalada ka jira magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay gaareen inta u dhaxeysa Muqdisho

05_06_2009_CCodkahaweenkal , Mogadishu , Somalia .

Barakacayaashii ugu dambeeyay ee ka cararay dagaalada ka jira magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay gaareen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyadoo qoysaska ugu badan ee barakacayaasha oo gaaraya boqolaal qoys oo u badan haween iyo Caruur ay guryo a samayesteen Kaamam ku yaala deegaanka Xaawo Cabdi ee degmada Afgooye.

Dadkani gaaray halkaasi ayaa waxaa ay u badan yihiin qoysas ka cararay dagaladii ka dhacay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir halkaasi oo shalay illaa xalay ay dagaalo lagu riiqmay ku dhex marayeen ciidamada dowlada iyo Kuwa Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.


Qoysaskaani oo qaarkood aan awoodin tasiilaad ay ku barakacaan ayaa waxaa ay lug ku tageen deegaanka Xaawa Cabdi iyagoo aan helin guryo iyo agab ay dhigtaan madaama agabkoodii oo idil ay ay uga carareen xaafadaha ay dagaalada ka jiraan ee magaalada Muqdisho.

Si astaba aha ahaatee baraacayaasha maanta gaaray deegaanada loo barakacay ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay dul saar ku noqdeen barakacayaal kale oo horay halkaasi ugu dhibaatsnaa kuwaasi oo horay ugu cararay dagaalada aan muuqaalka joogsiga Laheeyn ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 


Halkeebuu Marayaa Abaabulkii bare Hiiraale iyo Cumar xaashi...

05_06_2009_ Codkahaweenkal , Mogadishu , Somalia .

wararka ka imaanaya Xarunta Madaxtooyada oo uu daganyahay Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxay sheegayaan in uu markab Hub u sida Dowlada Midnimada qaran uu taaganyahay badweynta kaasi oo ay waardiyeeynayaan maraakiib ay leeyihiin gaashaanbuurta Nato.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Hubkanu laga soo iibiyay Dowlada Kuuriya uuna yahay Hub ay inta badan isticmaali jireen Ciidamada Itobiya ee ka baxay Soomaaliya kuwasi oo la sheegay in ay yihiin Hub Kiimikadiisu sarayso oo la isticmaali jiray 1980-maadkii kaasi oo qatartiisa wata.

warar Madaxbanaan oo aan isla caawa ka helnay dakada Muqdisho ayaa sheegaya in uu jiro Markabkaasi balse qaar ka mid ah shaqaalaha Dekada Muqdisho oo aan la Xiriirnay ayaa sheegay in uu jiro Markabkaasi ayna waardiyeeynayaan laba Markab oo ah kuwa Dagaalka, Balse aysan ogayn waxa saaran.


dhinac kale Dhaq-dhaqaaqyadaasi ciidan iyo diyaar garowgaasi ayaa waxa la sheegay inuu ku soo wajahan yahay ilaa shan gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya oo ay haatan gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab iyo Xisbul Islaam gaar ahaan gobollada Gedo, Bay & Bakool iyo Jubbooyinka, iyo Gobolada galgaduud iyo Sh.Dhexe oo ay ku hareereesan yihiin Xoogaga Shabaabka iyo Xisbul islaamka.

Dagaaladaan ayaa waxaa abaabulaya Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Midnimada Qaran ee dhawaan lagu soo dhisay Jabuuti sida Bare aadan Shire Hiraale oo ku dhawaad Sanad aan asagu nasan kuna Jiray dagaal joogto ah iyo Cumar xaashi aadan oo asna ah wasiirka amniga qaranka oo aad Moodo in uu u laabtay qaabkii Hogaamiye Kooxeedyada
.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin44@hotmail.com


Dagaal ka dhacay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

05_06_2009_ Codkahaweenkal , Mogadishu , Somalia .

Wararka naga soo gaaraya Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu saaka dagaal xooggan ka qarxay gudaha degmadaas oo ay dhawaanahan gacanta ku hayeen Xoogag taabacsan Xisbul Islaam.
Dagaalka oo la soo sheegayo in uu yahay mid xooggan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Xoogag taabacsan Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag ka soo horjeeda oo u daacad ah Xisbul Islaam.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka ka socda Degmada Mahaddaay uu sababay in dad badan oo degmadaas ku noolaa ay guryahooda ka cararaan, si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo tarayana waxay sheegayaan in gacan-ku-heynta Degmada Mahaddaay ay la wareegeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee taabacsan Dowladda Soomaaliya.

Mogadishu - Somalia

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com