| |
| Ururrada Haweenka wabi shabeelleo oo Deeq
lacageed gaarsiiyay Haween ku dhaawacmay Qarax shalay ka dhacay
Magaalada Muqdisho |
05_07_08_codkahaweenka.com
, somalia
Ururro ay ku midoobeen Haween ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa maanta
waxay deeq lacageed gaarsiiyeen haween tiradooda kor u dhaafeyso 40
haween ah, kuwaasi oo ku dhaawacmay Qarax shalay ka dhacay Wadada
Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Webi Shabeelle Marwo Caasho Shaacuur
Ugaas oo ka mid ahayd Haweenkii deeqda lacageed gaarsiiyay haweenkaas
dhibanayaasha ah ayaa sheegtay in ay iska soo uruuriyeen lacag dhan
40 Milyan oo Sh. So ah, isla markaana ay u qeybiyeen 38 Haween ah
oo lagu daweynayo Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo qaraxii shalay ku
dhaawacmay.
Caasho Shaacuur Ugaas waxay sheegtay in Haweenka ay lacagta u qeybiyeen
ay yihiin kuwo uur-ku-taallo ku abuurayo qof kasta oo arka, “Haweenka
aan aragnay waxaa ku jirta Gabar qaraxaas ku weysay labadeeda lugood
oo hadana xaamilo ah, taasi oo hadana ka soo jeedda qoys sabool ah
oo aan wax heysan”ayay tiri Caasha Shaacuur Ugaas oo ugu baaqay
shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka in ay Haweenkaas
dhibaateysan ay u gurmadaan.
Ugu dambeyntiina, Caasha Shaacuur waxay mahadcelin u jeedisay Maamulka,
Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee ka howlgala Isbitaalka
Madiina, kuwaasi oo ay sheegtay in ay si weyn ugu gurmadeen Haweenkii
dhibaatada soo gaartay
Ma aha marii ugu horeysay ee Haweenka wabi shabeele ay deeq lacageeg
gaarsiiyaan dad dhiban ee waxay ka mid ahayd haween iyagu dib u furay
isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee banaadir
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka
Sh/Hoose oo shir uga qeybgelaya dalka Kenya loogana hadlayo dhibaatada
heysata Dadka u barakacay Gobolkaas
05_07_08_codkahaweenka.com
, somalia
Waxaa saakay ka dhoofay Garoonka macmalka ah diyaaradaha Magaalada
Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose mas’uuliyiinta
ka tirsan Maamulka ka arrimiya Gobolkaas, kuwaasi oo sheegay in lagu
casuumay ka qeybgalka shir looga hadlayo dhibaato heysata Dad u barakacay
deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Arrimaha
Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi iyo Isu-duwaha Gargaarka Bani’aadannimada
Gobolka Maxamuud Daahir Qoolley ayaa sida ay sheegeen diyaarad uu
UN-ka u soo diray waxay ka raaceen Garoonka Diyaaradaha Ceel Axmed
ee duleedka Magaalada Marka.
C/llaahi Qoolley oo ka hor intii uusan ka amba bixin Magaalada Marka
la hadlay Warfidiyeennada ayaa wuxuu sheegay in lagu martiqaaday Shir
looga hadlayo wax ka qabashada dhibaatada heysata dadka u barakacay
deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna intaas
ku daray in shirkaas oo dhici doona 6-da bisihan ay ka jeedin doonaan
warbixin ku saabsan gobolka ay ka socdaan iyo wali sidii wax loogu
qaban lahaa dadka dhibaateysan ee ku dhaqan gpbaolka sh/hoose..
xafiiska codkahaweenka.com
|