JAAMACADA MUQDISHU OO FARAC CUSUB KA FURATAY MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND

05_08- 2008 Codka Haweenkal , Mogadishu , Somalia .

waxaa hoteelka international village ee boosaaso lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay laguna furrayey faricii ugu horeeyey ee jaamacada muqdishu ee deegaanka puntland.

xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal ruux oo isugu jira hayadaha dowlad goboleedka puntland, hayado caalami ah,bahda waxbarashada, aqoonyahanada, culimada,ururada bulshada rayidka,isimada,ganacsatada haweenka dhalinyarada iyo ardada dugsiyada sare ee gobolada bari ee puntland.


xafladaan oo ahayd mid aad usoojiidatay ka soo qeybgalayaasha waxaa lagau daawaday filim muuqaalo sawiri iyo qoraalo isugu jira oo ka sheekeeynayey taariikhda jaamacada muqdishu wax qabadkeedii mudadii 12ka sano ee la soo dhaafay iyo duruufihii ay soo martay wuxuuna dadkii daawanayey uu ku reebay xusuus aad uqiimo badan waxaana filimkaas dadka usharaxay mudane C/raxmaan macalin C/laahi (baadiyow) oo ah guddoomiyaha Board ka Jaamacadda Muqdisho,

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada wax barashada ee dowlad goboleedka puntland mudane maxamuud bile duble oo si aad ah usoo dhaweeyey furida faracaan sheegayna in jaamacadu ku soo kordhin doonto gobolada puntland khibrad aad udheer oo ay ka kasbatay 12ka sano ee howsha ay ku guda jirtay.

ugu danbeyntii waxaa aragtida jaamacada iyo faraca cusub ka hadlay gudoomiyaha jaamacada muqdishu Dr- cali sheikh axmed abuubakar (dhibta ugu weyn ee dalka ka taagan oo ah tan keentay bur burka qaxootinimada, lumida sharaftii dowladeed qiimihii dalnimo iyo dadnimo waa aqoon xumo aqoon xumo waxay dhaxalsiisaa jahli gabagabadii wuxuu gudoomiyaha jaamacada muqdisho wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii xalku waa tacliin iyo aqoon ku dhisan da daal xoog badan.


jaamacada muqdishu waxaa la aas aasay 1996 jaamacadii ugu horeysay ee dalka laga aas aasay burburkii dowlada soomaaliyeed kadib, jaamacada muqdishu waxay soo saartay 8 sideed dufcadood oo ka qaatay shahaadada BSC& B.A waxayna ka koobantahay 7 kuliyadood iyo 22 taqasus iyo barnaamijka daraasaadka sare ( master iyo P.H.D) jaamacaada oo leh aqoonsi caalami ah kana mid ah 40 ka jaamacadood ee ugu horeeya qaarada afrika waxaa kale oo ay jaamacada muqdishu ka midtahay 6 urur oo jaamacadeed oo kala ah.

1) midowga jaamacadaha caalamka islaamka( fumi)
2) midowga jaamacadaha wadamada carabta
3) midowga jaamacadaha carbeed ee gaar ka ah
4) raabidada jaamacadaha islaamiga ah
5) midowga jaamacadaha afrika
6) midowga jaamacadaha caalamiga ah

xafladiina waxay ku soo gabagabowday jawi wanaagsan oo farxad leh.


 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com