| |
| Abaaro
Dhimasho sababay ayaa laga soo dheegayaa bartamaha Gobolka Hiiraan |
05_07_008_codkahaweenka.com
, somalia
Caruur
iyo dad waaweeyn ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday deegaano
hoos taga gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Tirada Caruurta iyo dadka da’da ah ee u geeriyoonaya cudurka
shuban biyoodka iyo macluusha kana mid ah dadka ku jira xerooyinka
dadka soo barakacay ee ku yaala gudah magaalada Baladweyne ayaa maalinba
maalinta ka danbeeya ayaa waxaa ay yihiin kuwo sii kordhayaan waxaana
inta la ogyahay u geeriyooday 3 caruur ah iyo qof da’ah oo ku
jira ilaa 3 xero oo ku yaala gudaha magaalada Baladweyne kadib markii
ay la soo deristay dhibaato ka dhalatay macuul iyo daryeel la’aan
heystada dadkasi.
Arimahani ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili maalinba maalinta ka
danbeyasa ay ku badanayaan magaalada Baladweyne dadka ka cararay dagaalada
aan dhamaadka laheeyn ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho.
Inta badan caruurta ku nool xerooyinkaasi ayaa waxaa ay la ildaran
yihiin dhibaatooyin ka dhashay macluusha oo sababtay in qaarkood ay
u waayaan aragoodii oo ay u indha beelaan,sidoo kale haweenka iyo
dadka da’da ah ee ku jira xerooyinkaasi ayaa waxaa ay la liitaan
cuduro isbiirsaday oo ay ka mid yihiin maleeriyo Jadeeco iyo cudurada
Maqarka.
Qooysaskani ayaa waxaa ay isugu jiraan qooysas ka soo bara kacay dagaalada
ka jira Magaalada Muqdisho,gobolada Bay iyo Bakool,dhulka Ismaamulka
Soomaalida Ethiopia oo abaaro baahsan ay ku dhufteen.
Tan iyo markii ay qooyaskani gaareen magaalada Baladweyne ayaaneey
helin wax gargaar ah mana jiraan cid isku taagtay wax u qabashada
xaaldooda nololeed,marka laga reebo waxoogaa raashiin ah oo ay gaarsiiyeen
hay’adaha samafalka qaarkood kuwaasi oo aan kaafin kari xitaa
nooliga maalintii.
Xaalada nololeed ee dadkani ayaa waxaa ay tahay mid gaartay dabaqada
ugu hooseeysa ee nolosha bini’aadmka.
Naadiga
Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed oo qabtay Seminaar looga
hadlayay dhibaatooyinka heysta Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan
dalka gudahiisa
05_07_008_codkahaweenka.com
, somalia
Seminaar
hal maalin ah oo uu soo qaban qaabiyay Naadiga Hal-abuurka iyo Qalin-maalka
Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hotelka Saxafi International
ee Magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo ujeedada loo qabtay ay ahayd sidii la isugu keeni lahaa
Fannaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana loo ogaan lahaa dhibaatada
ay qabaan ayaa furitaankiisii ka hadlay mas’uuliyiin ka socday
Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen C/llaahi
Maxamed Shirwac, Maryan Xuseen Maxamed Awreeye, Prof. Ciise Maxamed
iyo C/risaaq Yuusuf Cali Bah-laawi, waxayna dhammaantood sheegeen
in ay garab taagan yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed, inkatsoo ay Fannaaniinta
ugu baaqeen in ay mar kale la yimaadaan Midnimo iyo Afkaar cad oo
ay ku soo bandhigayaan dhibaatada ay qabaan.

Intaas kadib waxaa bilowday Seminaarkii, waxaana loo bandhigay Fannaaniinta
su’aalo jawaabo looga doonayay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen,
dhibataada heysata Fanka Soomaaliyeed iyo wixi keenay in ay Fannaaniinta
la aamusaan codkooda.
Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa
wuxuu sheegay in burburka dalka ku dhacay ay Fannaaniinta dhinacooda
ka qabaan, wuxuuna sheegay in ay qabaan dhibaatooyin daryeel la’aani
ay kow ka tahay, mar uu ka hadlayay waxa ay la aamuseen-na wuxuu sheegay
in ay qabaan cabsi la mid ah tan ay qabaan dad badan oo codkooda la
aamusay kadib markii ay natooda u baqeen.
Laakin waxaa dood midaas ka duwan goobta ka jeedisay Sahra Ileeye
oo ah Xaaskii uu ka geeriyooday Axmed Nuur Jaangow, waxayna sheegtay
in aysan jirin cabsi ay Fannaaniinta qabaan, balse waxay ka dhawaajisay
in aaney cid ku garab qabata in ay codkooda dibadda soo dhigaan.
Waxaa doodda dhextaal ahaan u soo dhexgalay Prof. Ciise Maxamed Siyaad
oo ka mid ah Macallimiintii Jaamcadda Umadda Soomaaliyeed, isla markaana
lagu casuumay furitaankii Seminaarka wuxuuna sheegay Professor-ku
in Fannaaniinta ay yihiin kuwo leh awood ay wax ku kicin karaan, waxna
ku dejin karaan, “idinka ayaa dadka tusiyay in dhibaato jirtay
xiligii aad ka hor-imaaneysay Dowladdii hore, sidoo kalena hadda waad
sheegi kartaan, kana hadli kartaan dhibaatada jirta”ayuu yiri
Prof. Ciise Maxamed Siyaad.
Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil
Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyadana hadalkii qaadatay waxayna
sheegtay in Fannaaniinta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gacan-siin
weyn, waxayna soo jeedisay in la qabto kulamo kale oo Fannaaniinta
la isugu keenayo si ay u sameytaan Dallad ay ku mideysan yihiin, iyadoo
markaas kadibna xustay in Fannaaniinta loo sameyn karo Sanduuq dhaqaale
oo laga daweeyo midkii xanuunsada, isla markana laga duugo midkii
dhinta.
Intaas dabadeed waxaa Fannaaniinta loo bandhigay su’aal kale
oo ahayd in ay leeyihiin Urur ay ku mideysan yihiin guud ahaan Fannaaniinta,
waxaana su’aashaas ka jawaabay Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan
oo sheegay in uusan gebi ahaanba jirin Urur ay ku mideysan yihiin
Fannaaniinta, inkastoo uu xusay in sanadkii 1993-kii ay mar sameeyeen
Urur la magac baxay Saha, kaasi oo uu guddoomiye ka haa Cabdi Muxumed
Amiin, isla markaana uu Guddoomiye ku xigeenka ahaa Alle ha u naxariistee
Abwaan Maxamed Cali Kaariye.
Su’aal kale oo taas daba-taalay ayaa waxay ahayd in uu hadana
jiro urur ay ku mideysan yihiin Muusikiistayaasha Soomaaliyeed, waxayna
marka kale ku jawaabeen Fannaaniinta in uusan jirin Ururkaas.
Guntii iyo gebagebadii waxaa Seminaarkii maanta loo qabtay Fannaaniinta
Soomaaliyeed ka soo baxday in loo baahan yahay in la sameeyo Urur
ay ku mideysan yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka
gudahiisa, iyadoo qodobkaasina ay si buuxda isugu waafaqeen Fannaaniintii
Seminaarka loo qabtay.
xafiiska codkahaweenka.com
|