Guri ku yaala Xaafada Taleex ayaa waxaa ku dhacay madfac sababay dhimasho iyo dhaawac.


Hal qof oo rayid ah, ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Madfac uu ku habsaday hoygii ay ku nooleeyeen qoyskaasi, xili dagaal Muddo daqiiqado ah socday uu xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qofka geeriyooday iyo afarta dhaawacantay oo dhamaantood ahaa dad ka soo wada jeeda hal qoys, ayaa waxay Musiibadani ku dhacday kadib markii dagaal muddo kooban socday uu xalay ka dhacay deegaanka Taleex ee degmada Hodan halkaasoo qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Amisom halkaasi ku leeyihiin.
Aabaha Qoyskan oo lagu Magacaabo Salaad Maxamed Faarax, ayaa HornAfrik u sheegay in ay Gurmad ka haleen gaadiidka loo yaqaano Aambalaasyada isagoo faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

“Wallaalow labada dhinac qolooyinkan xafiiltanku ka dhaxeeyo qolle ka mid ah, ayaa meesha timid waxayna wax ku tureen Ciidamada ajinabigga, waxaana loogu soo jawaabay hubkii Cuslaa oo awalba ay ku soo jawaabi jireen, cunug 7 sano jir ah, ayaa iiga dhintay afar kalena waa ay iiga dhaawacantay labo waa dhaawac culus labana waa ay fudud yihiin, waxaana la geeyay Isbitaalka Dayniile" ayuu yiri Aabaha dhalay carruurtaasi waxyeeladu soo gaartay.

Wuxuu intaasi ku daray Salaad Maxamed Faarax in xiliga gurigooda Hoobiyuhu ku dhacayay ay saacadu ahayd 7 saac saqdii dhexe ee xalay.
Aabaha qoyskaasi, ayaa sheegay in musiibada xalay ku dhacday reerkiisa ay ku soo beegantay xili qoyskiisa ay dhawaan ka soo laabteen Barakac ay ku tageen deegaanka Gaarisa oo ka tirsan dalka Kenya kadib markii sida uu yiri ay dareemeen xasilooni Soomaaliya ka dhacday markii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiya,wuxuuna walaac ka muujiyay dagaalada wali ka socda xaafada Taleex.

Illmahaan waxay Barakac ku tageen Gaarisa Kenya markii ay Itoobiyaankii Baxeen ayay waxay is yiraahdeen wadankii waa nabade sidaasi ayayna ku soo laabten hada ayayna yimaadeen oo xaafada ku soo laabteen aniga 19 sano ayaa deganaa xaafada Taleex markii dalka ay qabsadeen Ciidamadii Itoobiya ayay ku qaxeen Gaarisga carruurteydu”, ayuu mar kale Yiri Aabaha qoyskaasi.

Waxyeelada culus ee qoyskan xalay gaartay, ayaa xasuusinaysa dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho dhacdiooyin ku waan ka xanuun badan oo ay hore ugu reebeen dagaaladii ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan labadii sano ee la soo dhaafay xiligaas oo Ciidamada Itoobiya ay si ba’an u duqeyn jireen meelaha dadka rayidka ahi ku badan yahay.
Lama oga khasaaraha kala gaaray dhinacyada Iska Hor’imaadkan koobani dhexmaray, hase ahaatee wuxuu falkaani ku soo beegmay xili muddooyinkii ugu dambeeyay .

dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay ku naaloonayeen Nabad iyo xasilooni kadib markii ay ka dul ka ceen Ciidamadii Itoobiya oo dhibaato badan ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Kulankii Afaraad oo ay yeesheen kooxda xiriirka caalamka ee arrimaha Soomaaliya Somali contact group oo maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

xafiiska Codkahaweenkal Mogadishu , Somalia .

 

 

 

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com