Axad,
August 03, 2008Ku dhawaad 15 haween ah ayaa geeriyootay, tiro
kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii
ay ku qaraxday miino u ekeyd midda remote-ka laga hago, taasi
oo ku aasneyd meel ay haweenkan oo ka shaqeeya nadaafadda ay
ku nasanayeen.
Halka qaraxa uu ka dhacay oo ah Wadada Makka Al-Mukarrama, gaar
ahaan inta u dhaxeysa Shineemo Soomaaliya iyo Hotelka Ambassador
ayaa waxay haweenka ka wadeen howlo nadaafadeed oo ay horay
uga soo qabteen Waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dad goob-joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in markii ay Haweenka
Miinada ku qarxeysay ay fadhiyeen meel ay ku nasanayeen, waxaana
la sheegay in qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo jar-jaray jirka
haweenkaas, kuwaasi oo xubnaha jirkooda la kala garan waayay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Haween nadaafad ka shaqeynayay
ay waxyeello ka soo gaarto waxyaabaha qarxa, waxayna ahayd bartamihii
sanadkii hore ee 2007 markii haween howlo
nadaafadeed
ka waday inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha
uu qarax haleelay, iyadoo halkaasina ay ku geeriyoodeen shan
haween ah
hay'adda ay haween kani la wadeen
hawsha nadaafadeed ayaa ka mid ahad hay'adda dhawr ah oo lagu
eedeyey in ay gacan saar la lee yihiin dawlada federaalka iyo
in ay la shaqeeyaan hay'addaha ajaanibta ah
Qamarmac@hotmail.com
Mogadishu - Somalia
Qaarka mid ah Gollaha wasiirada
ee Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo magacaabay qaar ka mid
ah Xubnaha Golahiisa Wasiirrada
Aug_03_08_ 2008 Codka Haweenkal
, Mogadishu , Somalia .
Axad, August 03, 2008Ra'iisal
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen
(Nuur Cadde) ayaa wuxuu magacaabay 6 Wasiir oo isugu jira xubno
lagu bedelay Wasiirro shalay is-casilay iyo kuwo ka harsanaa
Xukuumaddiisa.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirro shalay lagu soo
daray Liiska Wasiirradii is-casilay oo dalka dibadda uga maqan
aysan weli u soo gudbin qoraalka is-casilaaddooda hayeeshee
uu ka sugayo wasiirraddaas in ay mowqifkooda u soo caddeeyaan.
"Sababta aan deg degta ugu magacaabay Wasiirradan ayaa
waxay tahay Golaha Wasiirrada marka ay shirayaan waxay u baahan
yihiin in ay helaan Kooram ay ku fariisan karaan taasina suurtagal
ma noqon karin iyadoo aan la buuxin booska Wasiirradii is-casilay.
Wasiirada la magacaabay
Xuseen Maxamed Muuse Wasiirka Xanaanada Xoolaha Kallumeysiga
iyo Bii'ada
Cabdalla Xaaji Cali, Wasiirka Caafimaadka
Fahmo Axmed Nuur, Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha
Qoyska
Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka Waxbarashada
C/casiis Xasan Maxamed, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir, Wasiir ku xigeeka Wasaaradda
Dib u heshiisiinta, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Dhanka kalena Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu magacaabay
Wasiirrada cusub ee Xukuumaddiisa waxaa uu ka hadlay Qarax saaka
ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama, kaasi oo ay ku geeriyoodeen
in ka badan 15 Haween ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku
dhawaad 50 kale oo haween ah.
"Annaga oo aad uga tiiraanyeysan dhibaatadii soo gaartay
Haweenkaas ayaa waxaan tacsi u direynaa qoyskii, ehelladii iyo
asxaabtii ay haweenkaas ka geeriyoodeen"ayuu yiri Ra'iisal
Wasaare Nuur Cadde oo wariyayaal kula hadlayay Xafiiskiisa Muqdisho
|