Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya oo qeybtoodii ugu horeysya ay soo gaartay Degmada Afgooye

 

22_07_2008 www.codkahaweenka.con. somalia muqdisho

Qeybtii ugu horeysay CiidamadiiSoomaalida ahaa ee lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya ayaa waxay saaka soo gaartay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose


Ciidamadan oo ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay ka soo amba baxeen magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo nasteen waqti kooban kadib markii laga keenay Dalka Itoobiya.
Labo jeer ayaa waxaa Ciidamadaas weerar ku qaaday Xoogagga Al-Shabaab mar ay socdeen duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay iyo mar kale oo ay socdeen inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose


Ciidamadan ayaa markii ay soo gaareen Degmada Afgooye waxaa cabsi la soo deristay dadka Degmadaas ku dhaqan, kuwaasi oo qaarkood ay goobahoodii ganacsiga xireen, halka kuwo kalena ay isaga fogaadeen Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Degmada Afgooye.


Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan ay u muuqdaan kuwo ka sii gudbaya Degmada Afgooye, isla markaana u jeeda dhinaca Magaalada Muqdisho oo loo maleynayo in ay tahay halka ugu dambeysa ee ay u socdaan.


Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay Dadka Soomaaliyeed qaarkood ugu yeeraan Ciidamada Copy-ga, taasi oo ay ula jeedaan inay u howlgalaan sida Ciidamada Itoobiya.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfurta Africa

22_07_2008 www.codkahaweenka.con. somalia muqdisho


Talaado, July 22,): Abaarihii 7 fiidnimo ayaa waxaa soo weeraray 2 tuug oo South African ah Dukaan ey ku lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed Tuulo lagu magacaabo Wondorkop oo 35km u jirta magalada Rustanburg ee gobolka Waqooyi Galbeed.


Tuugada ayaa halkaa ku Toogtay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Ibraahim xili uu tagnaa iridda hore ee Dukaankiisa iyagoo markii hore xabad kala helay Gacanta kadib markuu kaga soo cararay gudaha Dukaanka ayay mar kale 2 xabadood kala heleen dhabarka. marxuumka ayaa loola cararay Isbitaal ku yaala magaalada Rustanburg isagoo kadibna halkaas ku geeriyooday.


Cabdiraxmaan Muumin Maxamed oo ku Magac dheer (Cabdi Xaquuq) oo kamid ah Ganacsatada Rustanburg ahna Qaraabada Marxuumka oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in Tuugadaas aysan wax dhac ah geysan ayna baxsadeen kadib markey Dilkan geysteen wuxuuna intaas ku daray in ay Police-ka baaritaan wadaan.


Dilkan ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee loo geysto muwaadininta soomaaliyeed ee ku nool Dalka koonfurta Africa isagoo iska noqday mid joogta ah

.
Inta badan waxaa lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaaliyeed Xarumahooda Ganacsi ee ay ku leeyihiin Tuulooyinka halkaasoo loogu geysto dil Dil, Dhac iyo Dhaawac intaba mana muuqato sabab ay ku joojin karaan Ganacsiga Tuulooyinka madaama ay yihiin Dad Qoxooti ah oo la daalaa dhacayo qaabkii ay u noolaan lahaayeen.


xafiiska codkahaweenka .com
qamar salad omar

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com