Qaar
ka mid ah wasiirada Xakuumada Ra’isal wasaare Nuur Cadde
oo maanta is casilay.
Ilaa Toban wasiir oo ka tirsan
xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, oo qaarkood ay dalka
ku sugan yihiin, halka kuwo kalena ay ku maqan yihin safarro
dibadda ah.
Wasiirrada oo qaarkood shir
ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ayaa waxaa shir guddoominayey
Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Waxbarashada Avv.
C/llaahi Ilka-Xanaf.
Is casilaada wasiirada ayaa
ka dambeysay sida ay sheegeen fadeexad Maaliyadeed oo Baarlamaanka
laga geeyay Xukuumadda, in aan hab sharci ah loo soo marin xil
ka qaadistii Maxamed Dheere iyo aaney Xukuumadda Federaalka
wax miisaniyad ah hor-geynin Baarlamaanka tan iyo markii la
dhisay.
Wasiirrada Is-casilay ayaa waxa ay kala yihiin.
Saalim Caliyow Ibrow = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka
Garsoorka
Caydiid C/llahi Ilka Xanaf
= Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarasahada
iyo hiddaha
Muxiyidiin Max’ed Xaaji
Ibraahim =Wasiirka Gaashaandhiga
Xuseen Ceelabe Faahiye =Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
Cali Axmed Jaamac Jengeli =Wasiirka
Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga
Max’ed Cali Saalax Kaange
= Wasiirka Macdanta iyo Tamarta
C/risaaq Ashkir Cabdi = Wasiirka
Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Federalka
Cabdi Max’ed Tarrax=Wasiirka
Boostada iyo Isgaarsiinta
Khadiijo Max’ed Diiriye
=Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
Carab Cali Diiriye = Wasiirka
Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka
Is-casilaadda wasiiradan ayaa
ku soo beegmeysaa maalin kadib markii 32 Xildhibaan oo ka tirsan
Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen Xukuumadda Ra'iisal Wasaare
Nuur Cadde in ay is-casisho bacdamaa sida ay yiraahdeen ay gashay
fadeexad maaliyadeed.
Wasiirrada is-casilay adda
ayaa sheegay in ay xilka sii heyn doonaan tan iyo inta laga
soo magacaabayo Wasiirro kale oo bedela iyadoo dhinaca kale
Ra’isal wasaare Nuur Cadde uu goor dhow sheegay in uu
imminka ku guda jira magacaabsita wasiiro cusub oo badala kuwa
xilalkooda wareejiyey.
Codka Haweenka
Qamar Salaad E-mail
Qamarmac@hotmail.com
|