| Roobab sababay dhaawac Laba Qofood ayaa
ka curtay deegaano ka tirsan gobolka Owdal. |
05_04_2009 www.codkahaweenka.com.
Somalia Muqdishu |
Roobab lagu diirsaday,
ayaa 24 saac ee ugu dambeeyay ka da’ay deegaano hoos yimaada
degmada Booraame oo ka tirsan gobolka Owdal.
Roobabkan, ayaa sababay sida wararku sheegayaan dhaawaca labo ruux
oo reer Miyi ah kuwaasoo ay saameeyeen dufaan xoog leh oo uu watay
roobkaasi.
Roobabkan, ayaa sababay sida wararku sheegayaan dhaawaca labo ruux
oo reer Miyi ah kuwaasoo ay saameeyeen dufaan xoog leh oo uu watay
roobkaasi.
Tuulooyin hoos-yimaada degmada Booraame ayaa roobabku ka da’een
waxaana roobabkaasi ku diirsaday dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan
oo la dhibaateysnaa abaaro iyo biyo yaraan xoog leh.
Xiligaan oo kale Bishan Arpil Bartamaheeda ayaa guud ahaan waxaa dalka
Soomaaliya uu galaya xili roobaadka iyadoo xiligaan dadka iyo xooluhu
ay la tiicayaan dhibaatada ka soo gaartay abaaraha iyo biyo la’aanta
ka taagan deegaanada dhulka soomaalida intooda badan.
Hay’adda WFP oo la sheegay in Somalia
ay keenayso deeq raashin ah oo Gasacadeysan.
05_04_2009 www.codkahaweenka.com. Somalia Muqdisho
Dowladda
KMG ah ee soomaaliya ayaa sheegtay in ay si taxadar leh ula socon
doonto qorshe, hay’adda WFP ay ku dooneyso in dalka ay ku soo
gaarsiiso markii ugu horysay Raashin Qasacadeysan.
Afhayeenka dowladda KMG ah ee soomaaliya C/qaadir Walaayo ayaa isagoo
u waramayay idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay
in dowladdu ay si taxadar le hula socon doonto deeq raashin ah oo
qasacadeysan oo markii ugu horeysay WFP ay soo gaarsiinayso Soomaaliya.
Afhayeenka oo ka jawaabay hadal ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta
gudaha dibeda oo ahaa in dowladdu ay ku aramtay Hay’addaha samafalka
ee qaramada Midoobey in ay isi soo diiwaangaliyaan hadii kale la ceyrin
doono ayaa waxaa uu afhayeenku gaashaanka ku dhuftay jirintaanka arrintaasi
wuxuu yiri Hay’addaha qaramada Midoobey waxaa ka mid ah dowladda
Soomaaliya marka ma suuragali karto in amaradan aan bixino.
Si kastaba ha ahaatee Hay’addda Qaramada Midoobey u qaabilsan
Cunnada WFP ayaa lagu wadaa in dalka soomaaliya ay soo gaarsiiso Raashin
gasacadeysan waxaana tallaabadan hadii ay dhacdo ay noqonaysaa markii
ugu horeysay maadama WFP horey loogu eedeeyay in dalka ay keento raashin
u badan Galayda cagaaran oo ay dadka Barakacayaaashi ahi walaac ka
muujiyeen.
Hay’adda WFP ayaa waxa ay hore Raashin u gaarsiin jirtay dadka
Barakaca yaasha ah eek u Nool Daafaha Magaalada Muqdisho.
xafiiska codkahaweenka .com
qamar salad omar
|