|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo dagaal ku dhex maray Ex control Afgooye 15_06_2009 www.codkahaweenka.com Iciidamadaasna ay isugu jireen kuwo ku sugnaa Ex Koontarool iyo kuwo baabur galbinayeyey Sida ay ku warramayeen dad degan naawiga Ex-Koontarol Afgooye . dagaalka labada ciidan dhexmaray uu qarxay kaddib markii ciidamo ku sugnaa Ex-Koonatrool Afgooye ay joojiyeen gaadiid raashin mucaawino ah waday, kaddibna ay is-rasaaseeyeen ciidamo la socday gaadiidkaas... Lama oga ilaa iyo haatan khasaare ka dhashay iska hor-imaadkaas, waxaase la sheegay in iska hor-imaadka labada dhinac dhexmaray uu ahaa mid xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.. Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan ku sugnaayeen Ex-Koontarool Afgooye, iyagoo halkaasina gaadiidka dadweynaha uga qaada lacag aysan raali ka ahayn darawallada gaadiidka.. Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saacadihii aynu ka soo gudubnay ay Dowladda Soomaaliya Ciidamo tiro badan ku uruurineysay inta u dhaxeysa Ex-Koontarool Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay ku jiheysan yihiin..
Raashinka Gargaarka loo keeno oo lagu iibiyo suuqyada Magaalada Mugadishu QM ayaa sheegtay in baaritaano ay ku samaynayso Raashinka loogu tala galay dadka Barakacayaasha ee la keeno Soomaaliya kuwaasi oo ku astaysan Calaamadda Laanta QM u Qaabilsan xagga Cuntada Ee WFP ee laga iibsado suuqyada Magaalada Muqdisho. Masuuliyiin u hadshay Hay’adda Jimciyadda Quramaha ka dhaxeysa ayaa waxaa ay sheegeen in ay baaritaano ku samaynayaan raashin ay sheegeen in ay ugu tala galeen dadka barakacayaasha ee ku dhibaataysan Xerooyinka Barakacayaasha ee ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho iyo Daafaheeda kuwaasi oo ay sheegeen in si sharci daro ah suuqyada Magaalada Muqdisho loogu Iibsado. Mark Bowden oo ah dib lumaasi hore oo wadanka Ingisriiska haatana ah Madaxa arimaha bini’aadanimada ee Jimciyadda Quraha ka dhaxaysa ayaa waxaa uu sheegay in suuqyada Magaalada Muqdisho si sharci daro ah loogu iibsado Cuntada ay ku Taalo Calaamadda Laanta QM u qaabilsan dhanka Cuntada ee WFP taasoo uu sheegay in ay doonayaan in ay ku sameeyaan daba gal iyo baaritaano buuxa. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya loogu tala galay Raashin gar gaar ah oo gaaraya 1955-milyan in la garsiiyo Barakacayaasha ay dagaaladu saameeyeen uu ku nool daafaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka,isagoo intaasi raaciyay in Tan aad u fara badan oo Beec ah lagu Arkay Suuqyada Magaalada Muqdisho. Waxaa uu ku eedeeyay dadka Falkaasi ka dambeeya in ay yihiin Shaqaale ka tirsan WFP kuwaasi oo raashinkaasi gar gaarka ah loogu soo dhiibo Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Soomaaliya. Inta badan Deeqaha Gar gaarka ee QM ay soo gaarsiiso Soomaaliya oo isugu jira Galley Qamadi iyo Caagado Saliid ah ayaa waxaa ay ugu tala galeen in la gaarsiiyo dhibanayaasha daruufaha adag ay ku heystaan duleedyada Magaalada Muqdisho iyo Deegaano ka mid ah gobolada dalka kuwaasi oo si aad ah ugu baahan. Waxaa ay Saraakiisha QM ugu dambeyntii ku hanjabeen in ay Baaritaano Toos ah ay ku samaynayaan sababta keentay in raashinka ku Calaamadaysan laanta Cuntada u qaabilsan QM ee WFP in laga iib geeyo Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo Dadkii falalkaasi ka dambeeyaba. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Copyright
©
codkahaweenka.com
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||