Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Maxkamadaha islaamiga Baladweyne iyo maxaabis ay sii daayeen.

04_11_08_codkahaweenka.com , somalia


Sii deyta Maxaabiista ayaa timid kadib markii koox sida la sheegay ka tirsan Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga Xabsiga ka sii daayeen Nin ka tirsaa kooxo dhawaan dil ka geystay Magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ku jiray gacanta Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga.

Kooxaha hubeysan ee xalay galay Xabsiga Magaalada Beledweyne ayay wararku sheegayaan in ay si weyn uga xumaadeen falka lagu sii daayay eedeysanaha, taasoo keentay in iyaguna ay fasaxaan qaar ka mid ah Maxaabiistii Xabsiga ku jirtay.

Dhinaca kale isla habeenimadii xalay ayaa Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamigu waxaa ay weerar ku qaadeen Gaari sida wararku sheegaan sida Hub iyo Saanad Ciidan kaasoo oo ku sii jeeday dhinaca Goballada dhexe, inkastoo warar mar danbe soo baxay ay sheegayaan in Gaarigaasi ay wateen Ciidamo ka tirsan dhaq dhaqaaq Diimeedka ka jira dalka..

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga xumaaday markii ay maqleen warka ku saabsan in Xabsiga laga sii dayay eedeysanaha ka tirsanaa kooxihii dhawaan weerarka ku soo qaaday Magaalada, gaar ahaan waxaa uu ku eedeysnaa in uu gacantiisa ku dilay qof Dumar ah oo xiligaas taagneyd goob Cabitaanka lagu iibiyo, waxaana xusid mudan in dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu sheegay in marka la soo dhameystiro cadeymaha ku saabsan in uu dilka geystay la marin doono Shareecada Islaamka.


Taliyaha Booliska Gobolka Bay Cabdi Macallin Axmed oo dilka Haweeneydan ka hadlay ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in la dilo qof haweeney

04_11_08_codkahaweenka.com , somalia

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii maqribkii hore ee xalay ayaa waxay magaalada Baydhabo lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Gobolka Bay oo lagu magacaabi jiray Maryan Aadan.


Haweeneydan la dilay ayaa la sheegay in Ururkaas ay sanad ka hor isaga tagtay, isla markaana ay dhawaanahan ahayd qof aan wax xil ah heynin oo caruurteeda oo uu Aabahood ka geeriyooday u xoogsata.


Dilka Haweeneydan waxaa si weyn uga xumaaday oo cambaareeyay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo, Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bay iyo Ururka Haweenka Gobolka, waxayna sheegeen in dilka loo geystay haweeneydaas uu ahaa mid xaq-darro ah.


Taliyaha Booliska Gobolka Bay Cabdi Macallin Axmed oo dilka Haweeneydan ka hadlay ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in la dilo qof haweeney ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay in dilalka ka dhaca Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo ujeeddo gaar ah laga leeyahay, wuxuuna cambaareeyay kooxihii dilay haweeneydaas.


Sidoo kalena, waxaa dilka Haweeneydaas ka hadashay Malyuun Maxamed Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bay, waxayna sheegtay in marxuumadda ay sanad ka hor isaga tagtay shaqada Ururka, isla markaana ay ahayd qof xoogsata oo Bakhaar ku lahayd Magaalada Baydhabo.


“Markii la dilayay waxay ka soo tagtay shaqadeeda, bakhaarkeeda ayay soo xiratay, waxayna dadkii ay wada ganacsanayeen ee ay isu dhawaayeen ay u sheegtay in magaalada xaalkeeda uusan caadi ahayn sidaas darteedna ay dhaqsi u hoydaan”ayay tiri Malyuun Maxamed Ibraahim oo sheegtay in ay si weyn uga xumaadeen dilka loo geystay Guddoomiyihii hore ee Haweenka Gobolka Bay.


Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegtay sababta haweeneydaas loo dilay, marka laga reebo in ay mar ka qeybgashay shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii hore ku qabatay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dad badan oo ka qeybgalay lagu dilay magaalada Mugadishu,
.iyadoo ay waayadan danbe soo noqneysay dilalka loo geysto Gabdha iyagu dadaala oo bulshada wax u qabta

xafiiska codkahaweenka.com

 

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com