cambaareen ay soo jeedisay xarunta Dr ismaaciil jimcaale ee xaquuqda Aadamaha

07_07_08_codkahaweenka.com , somalia

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay si kulul u cambaareysay kooxihii ka dambeeyay fal dil ah oo xalay loo geystay Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.

Madaxa baarista Xad-gudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanha C/llaahi Calas Jimcaale ayaa sheegay in Xaruntooda ay si weyn uga murugeysan tahay dilka iyo af-duubka loo geysanayo dadka bulshada u qidmeynaya.


“Dilalka loo geysanayo Dadka bulshada u adeegaya ee samafalka wada, haddii ay sii socdaan waxaa hubanti ah in la weyn doono dadka bulshada indhaha u ah, sidaas darteed waxaan codsaneynaa in laga shaqeeyo sidii arrimahaas looga hortegi lahaa”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale.

C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in falalka dilka iyo af-duubka ah ee ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ka dhan ah Shareecada Islaamka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xeerarka Caalamiga ah ee la isla wada aqoon yahay.

“Waxaan ku baaqeynaa in ay Dadka Soomaaliyeed noqdaan kuwo nabadeed oo xuquuqdooda ilaashada, isla markaana ka hor-taga wax kasta oo xadgudub ah”ayuu mar kael yiri C/llaahi Calas Jimcaale oo ku cel celiyay in haddii ay sii socdaan xadgudubyada ceynkan oo kale ah ay dabar go’i doonaan dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa.

Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo la dilay

07_07_08_codkahaweenka.com , somalia

Waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP.


Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Axmed ayaa waxaa toogtay rag hubeysan, kuwaasi oo ku sugayay meel u dhaxeysa gurigiisa iyo Masjid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday oo ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Madiina.


Marxuumka oo markii la toogtay dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Amisom ayaa daqiiqado kadib halkaas ku geeriyooday, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu marxuumka la dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ay qaraabo ahaayeen, kaasi oo uu lugta dhaawac ka soo gaaray.


Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa ka hadlay Qaramada Midoobay si weyn u cambaareysay kooxihii dilkiisa ka dambeysay, iyadoo sidoo kalena ay cambaareeyeen Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.


Dilka Marxuum Cusmaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore gudahiisa lagu dilay magaalada Muqdisho nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray C/kariin Shiikh Ibraahim, kaasi oo gacanta ku hayay in ka badan 1000 Agoon ah oo qaarkood ay sanadkan bilaabayeen waxbarasho heer Jaamacadeed ah.


Horayna waxaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho looga af-duubtay sarkaal isna u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali Maxamed. Sarkaalkan weli wuxuu ku jiraan gacanta kooxihii af-duubtay.

Xaflad Shahaado Gudoonsiin

Warbixin "Afka Hooyo"

XAMDI WOMEN & CHILDREN DEV. Org.
Dood Cilmiyeed

Somali Joint Needs Assessment...

Copyright © codkahaweenka.com