Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ruushka ayaa si ba’an
ugu eedeynaya Maxed Maxuud Xandule oo ah safiirka dowladda federaalka
u fadhiya dalka magaalada Moscow ee Ruushka arrimo la xiriir
musuqmaasuq iyo ku takri fal awooda dowliga ah, oo uu u adeegsaday
dano gaar ahaaneed, waxeyna sidoo kale ku dhaliileen Xandule
in uu dadka Soomaaliyeed kula dhaqmo hanaan qabyaaladeed, isagoo
dhismaha safaaradana ka dhigay xafiis uu shaqsi u leeyahay.
Dadka dhaliilaya Xandule ma ahan oo keliya Jaaliyada, sidoo
kale waxaa dhaliil taas la mid ah u soo jeedinaya qaar ka mid
ah howlwadeenada safaarada, waxaana howlwadeenadu ku eedeeyeen
qodobada hoos ku qoran:-
1) In ay safaaradda Somaliya ee Russia
noqotay hanti gaar ah.
2) In safaarada aanan laga aqoosanayn Midnmada iyo Qaranimada
Soomaliyeed.
3) In Pass-porka Somaaliga la siiyo ajnabi loona diido Soomalidii
xaqa u lahayd.
4) In dadka la siiyay Somali Diplomatic Pass-port ay ka badan
yihiin inta Ka shaqeyso Wasaaradda Ar. Debeddda Somalia, kana
yimaadeen hal Jufo oo kaliya.
5) In guryihii safaaradda Somalia loo adeegsaday qaab ka baxsan
Diplomaaasiyadda.
6) in safaaraddu ey kala qeybisay jaaliyadda Soomaliyeed ee
Ruushka, loona diido Safaaradda marka laga reebo hal jufo.
7) In dakhliga safaaradda oo ka badan miisaaniyadda Dowladda
FKMG, kana yimid ilo Guracan loo adeegsado kala qeybinta iyo
Sharaf dilka Sooaamlida.
8) In been-abbuur laga sameeyo qof-kasta, xitaa madaxda Somaliya
iyo wasaarada Arr. Somalia.
9) In balan qaadyo been-abuur ah oo hanti gelin ah dadka qaar
loo sheego.
10) In waxbarashada aan loo sinayn, xitaa jiraan in dad Ajnabi
ah oo ay y magaca Somaliya Wax ku bartaan.
11) In ceebeyn Joogto ah loogu geysto safaaradda dadka Somalida
iyo dalkooda.
Xafiiska Waraqabadka
Codka haweenka
Mogadishu - Somalia
|